U bood dhigaalka

Isbarbar-dhigga Farmaajo iyo Aadan Cadde: 10 Qodob oo Waddaniyadda iyo Shaqada Madaxweynenimo ah!

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu todobaadkan diiradda saaray waddaniyadda,  isaga oo mar weerar ku qaaday qabyaaladda sida maalintii 1-da Luulyo oo uu yiri “Dalkan waxaa isku haysta dad ma aha, labo afkaar ayaa isku haysata waddaniyadda iyo qabyaaladda” iyo sabtidii shalay uu ku sheegay madaxweyne Aadan Cadde “Inuu ku adkaa mabaadii’da ama afkaartii SYL, oo ahaa in midnimada la adkeeyo, waddaniyadda la xoojiyo, sharafka iyo karaamada ummadda inaysan gorgortan gelin, qabyaaladda laga fogaado”.

 Haddaba, Goobjoog News ayaa isbarbardhig ku sameysay illaa 10 mowqif oo labada madaxweyne soo maray iyo sida ay uga kala jawaabeen, waxaana kale oo aan ogaan-doonnaa in Farmaajo uu raacay raadkii madaxweyne Aadan Cadde iyo in kale.

1. Kala hadlidda: Madaxweyne Aadan Cabdulle weligii kalama hadal, waxaana lagu xusuustaa mowqif mid ah illaa uu ka geeriyooday 2007-dii, halka madaxweyne Farmaajo buuggiisa Master-ka uu madaxweyne Aadan Cadde ku tilmaamay mid u shaqeyn jiray, daacadna u ahaa Talyaaniga, isaga iyo  ra’isul wasaarihiisa Cabdirarashiid Sharma’arke,  isaga oo intaa raaciyey in nidaamkaas uusan isbeddelin illaa uu yimid Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal 1968-kii.

2. Halganka: Madaxweyne Aadan Cadde waxaa uu SYL ku biiray sannad kaddib markii la aasaasay, isaga oo wakiil uga ahaa Baladweyn, xorriyadda ka hor waxaa uu hoggaaminayey dhaq-dhaqaaqan 1954-1960-kii halka Madaxweyne Farmaajo aanu weligii qeyb ka noqon halgan ama dagaal ka dhan ah shisheeye ama xataa mid lagu diiddan yahay keligii talis.

3. Midnimada: Madaxweyne Aadan Cadde waxaa uu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya iyo aabaha midnimada labada qeyb ee koonfurta iyo waqooyiga isaga oo dhidibada u taagay jamhuuriyadda halka madaxweyne Farmaajo uu 4 sano cunaqabeyn ku hayey Hargeisa sida uu todobaadkan sheegay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, waxaa intaa dheer waxaa uu ku guul-dareystay inuu dhaqaajiyo wada hadaladda labada dhinac, waxaa uu sidoo kale baabi’iyey federalism-ka.

4. Qabyaaladda: Madaxweyne Cabdulle Cismaan waxaa lagu xusuustaa inuu necbaa qabyaaladda, lana dagaalay intii uu madaxweynaha ahaa iyo kaddibba, weligiina kama qeyb qaadan hawlo qabiil, isaga oo si deggan ugu noolaa beertiisa laakiin madaxweyne Farmaajo waxaa uu Gedo oo reerkiisu deganaa darteed u sameeyey wax walba isagoo arrintaas darteed khatar u geliyey dalka iyo xataa naftiisa.

5. Itoobiya: Madaxweyne Cismaan Daar waxaa uu ahaa hoggaamiyaha billaabay dib u xoreynta dhulka Soomaali galbeed, waxaa uuna gumeystaha Itoobiyaha la galay dagaalkii 1964-tii halka Farmaajo uu 4-tiisa sano saaxiib la ahaa hoggaamiyaha Itoobiya Abiy Axmed, 4 dekad u saxiixay June 16, 2018-kii, waxaa intaa dheer sida ay todobaadkan sheegeen Mareykanka waxaa hadda gudaha Itoobiya ku sugan ciidamo Soomaali ah oo difaacaya regime-kaas.

6. Dimoqoraaddiyadda: Madaxweyne Adan Cadde waxaa uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyey Afrika ee si dimoqraaddi ah inta doorasho looga adkaaday, haddana si xor ah u wareejiya xilka halka madaxweyne Farmaajo 12-kii April ee sannadkan uu 2 sano iskiisa ugu darsaday, isaga oo bil kaddib ka laabtay markii ay ku gadoodeen ciidamada xoogga dalka iyo beelaha Xamar.

7. Dib u Heshiisiinta: Madaxweyne Aadan Cadde waxaa xiray Siyaad Barre, markii la soo daayey ma sameyn aargudasho  ee wuxuu  siin jiray naseexo, waxaa uuna ka mid ahaa saxiixayaashii manifesto iyo dadkii ka qeybgalay shirarkii dib u heshiisiinta Djibouti ee June iyo July ee lagu doortay madaxweyne Cali Mahdi Maxamed halka madaxweyne Farmaajo uu 6-dii bil ee tagtay uu labo jeer ka kacay shirarkii isaga iyo maamul goboleedyada, inkasta oo uu hore u dhahay waxaan noqon nabaddoon laakiin waxaa uu 4 sano ku dhammeystay xasillooni darro uu gacmihiisa ku keenay.

8. Dal Jaceyl: Madaxweyne Aadan Cadde markii uu xilka ka degay, inkasta oo lagu dhibay dalka gudahiisa, oo labo jeer uu Maxamed Siyaad xiray, qax iyo dagaallo ku dul dhaceen, haddana dalka kama bixin, oo waxaa uu ku noolaa beertiisa Jannaale halka Farmaajo oo dowladda u dirtay safaaradda Mareykanka 1985-tii si uu halkaas uga shaqeeyo uu diiday inuu Soomaaliya dib ugu soo noqdo, iskana dhiibay magangalyana weydiistay Mareykanka halkaas uu deganaa illaa uu madaxweyne ka noqday 2017-kii.

9. Xisbi: Madaxweyne Daar waxaa uu ahaa nin rumeysan nidaamka xisbiyada badan halka Farmaajo uu illaa hadda sameynsan la’yahay xisbi siyaasi ah.

10. Xasillooni La’aan Siyaasadeed: Muddadii uu madaxweynaha ahaa Aadan Cadde waxaa ay dadku ogaayeen meesha loo socdo, doorashooyin iyo qoray isu-dhiib siyaasadeed laakiin hadda oo Farmaajo aanu weli kursiga banneyn, waxaa dalka ka jira xasillooni darro siyaasi ah, lamana oga sida ay wax noqon doonaan doorashada October 10.

W/Q: Cabdiaziz Gurbiye, 

Goobjoog News