U bood dhigaalka

Isbedal Amni Oo Laga Dareemayo Deegaanka Bariire Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Bariire ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo amni xaqiijin ah oo ciidamada dowladda Federaalka ka wadeen deegaankaasi.

Gudoomiyaha Bariire Maxamed Cali ayaa u sheegay Goobjoog News in amniga isbedal ballaaran laga dareemayo deegaanka, lana qabtay dad badan oo falal amni xumo sameynayay.

“Ammaanka aad buu u wanaagsanyahay hadda, ma jirto carqalad ama dhibaato ay dadka la kulmaan, waxaa la qabtay cid walba oo dadka dhibaato ku haysay, xitaa beeraha dadkii dadka ku dhibaayay waa la qabtay” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Sidoo kale Gudoomiyahan ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya AMISOM ay sii wadi doonaan howlgalladaan si gacan adag loogu qabto ammaanka deegaankaasi.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xoojiyeen howlgalka amni xaqiijinta ah ee ay ka wadaan deegaanka Bariire ee gobalka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News