U bood dhigaalka

Isbedal Amni Oo Laga Dareemayo Deegaanka Kulbiyow Ee Jubada Hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Kulbiyo ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegay in isbedal amni ah laga dareemayo deegaankaasi iyo sidoo kale deegaanada ku dhaw.

Gudoomiyaha deegaanka Kulbiyow Maxamed Maxamuud Ismaaciil oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in ciidamada maamulka ay sameeyeen howlgallo ballaaran, islamarkaana ay suurta gal noqotay in amniga uu wax badan ka bedalnaado sidii hore.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in hadda cid walba ay isku soo haleyn karto amniga degmadaasi, islamarkaana habeen iyo maalin uu isku mid yahay amniga degmada.

“Degmada amni ballaaran baa ka jira, ciidanka habeen iyo maalin ayeey howlgallo sameeyaan, mana jirto wax dhibaato ah, xitaa deegaanada nagu dhaw baan gaarnaa, kaliya ma ahan midda aan joognee” ayuu yiri gudoomiyaha.

Deegaanka Kulbiyow waxaa ku sugan ciidamada Jubbaland, kuwaasi oo intabadan halkaasi ka sameeya howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Goobjoog News