U bood dhigaalka

Isbedal Amni Oo Laga Dareemayo Degmada Baraawe Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Baraawe ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in isbedal amni xilligaan laga dareemayo degmadaasi, kadib howlgallo joogto ah oo halkaasi ay ka sameeyeen ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidanka ay wax badan ka qabteen amniga degmadaasi, islamarkaana lasoo qabtay dad lagu tuhmayo in amni xumo wadeen.

Waxa uu sheegay inay jiraan rag lagu tuhmayo inay ka mid yihiin Al-shabaab, islamarkaana ay u gudbiyeen hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo roondo ah maalin walba ka sameeya degmada Baraawe, waxaan soo qabannay dad badan qaar waa lasii daayay, kuwo looga shakiyay Al-shabaab ayaa jira waxaana u gudbinay hay’adaha amniga ee shaqada ku leh” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa inta badan howlgallo amni xaqiijin ah waxay ka sameynayeen degmada Baraawe oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka jireen falal amniga kasoo horjeeda.

Goobjoog News