U bood dhigaalka

Isbedal Amni Oo Laga Dareemayo Degmada Caabudwaaq Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Dhawaan ayaa amniga guud ee degmada Caabudwaaq waxaa lagu wareejiyay guddig amni, ka dib markii degmada ay noqotay mid marti gelisa xilli walba falalka amni darrada ah.

Waxaa degmada loo sameeyay ciidamo u gaar ah oo ka amar qaadanaya guddigaan, kuwaasi oo ammaanka guud ee degmada sugaya.

Guud ahaan degmada Caabudwaaq ayaa xilligaan waxaa aad looga dareemayaa Isbedal wanaagsan oo dhanka ammaanka ah, kaasi oo ay soo dhaweeyeen shacabka degmada ku dhaqan.

Axmed Jaamac Dhirif oo ah gudoomiyaha guddiga amniga Caabudwaaq oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in mudadii uu guddigaan shaqada billaabay la dareemay jawi nabadeed, kana duwan kii hore.

Ciidamada ammaanka xaqiijinaya ayaa la siiyaa qarash yar oo qaab canshuur ahaan looga qaado xarumaha ganacsiga iyo sidoo kale gaadiidka ka howlgala degmadaasi.

Guddigaan ayaa dhismihiisa waxa ay ka dambeysay ka dib markii amni xumi baahsan ay kusoo korotay degmada Caabudwaaq, sida dilalka la xiriira aanooyinka qabiil iyo wax la mid ah.

Goobjoog News