U bood dhigaalka

Isbedal Dhanka Nolosha Ah Oo Laga Dareemayo Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Munsar: Waxaan galayaa dhismaha qadiimiga ah ee la bud-dhigay 200-Sanno ka hor, isagoo markan hooy u ah boqolaal maxbuus oo isugu jira kuwo ku eedaysan dambiyo Fudud iyo kuwo Argagaxisonimmo.

Xabsiga dhexe ee dalka ee maamulku u hayo Taliska Asluubta Soomaaliyeed waxaa  muddo uu ahaa mid maxaabiistu ku qabeen dhibaato badan haddii ay ahaan lahayd dhinaca cabirka qolalka Eedaysanayaashu ku xiran yihiin iyo helitaanka xuquuqaadka Asaasiga ah balse haatan sheekadu ka duwan intaas.

Koox maxaabiis ah ayaa haatan tolaya dhar nuucyo kala duwan isugu jira, kuwaas oo tababar xirfadan la xiriirta uu u sameeyay taliska Ciidamadda Asluubta Soomaaliyeed tani oo kamid ah isbadalka lagu sameeyay hanaanka xabsiga .

Waxaa kale oo maxaabiista kuwooda ku xukuman dambiyadda Fudud la baray xirafaddo ay ku shaqaystaan oo ay kamid yihiin korontadda , Alxanka iyo Dawaarka .

Muxudiin Maxamed Cabdiraxiin oo muddo shan sanno ah ku xiran  xabisgan  ayaa u sheegay Goobjoog in isbadal muuqda oo sarre loogu qaadayo dhinaca xuquqda maxaabista hadda laga hirgeliyay xabsiga wuxuuna sheegay inuu isagu shaqaysto oo cidiisa ka biilo xirfadda la baray ee uu uga shaqeeyo gudaha jeelka.

“Baraawe ayaa la iga soo xirey, xabsi kuma jiro waa Hoteel camal, dhalo ayaan iska fiirsannaa, shaqo ayaa ka jirta, ninkii alxan iyo waxyaabo kale raba inuu barto waa diyaar, anoo xabsiga ka jiro ayaan kasoo shaqeeyaa madaxtooyada, waxaan ka shaqeeyaa biraha amniga lagu sugo, Ganjeelooyin, ciddeyda lacag ayaan u tuuray, markii ugu dambeysay cideyda waxaan u direy 200 oo doolar” ayuu yiri Muxyadiin.

Dhibaatooyinka horay uga jiray xabsigan waxaa kamid ah qolalka maxaabistu ku jiraan oo aan wasaac ahayn , biyaha oo ahaa kuwo qaraar ah taaso mararka qaar sababi jirtay in xabsigu ka dilaaco shuban sida uu sharaxayo Cabdi Xasan oo magacani aanu ahayn kiisa saxda ah .

“Labo sano kahor dhibaatooyin badan baa lagu qabay, hadda wey isbedaleen sariiro ayaa naloo dhigey, biyo macaan, jiif firaaqo ah, marooxado ayaa naloo xirey”

Taliyaha Xabsiga dhexe ee dalka Maxamed Cumar Xirsiile ayaan waydiinay Xabsigan iyo dhibaatooyinka ay ku qabeen maxaabiista .

Xabsigaan aad ayuu u kulul yahay, sanadkii 2013 8 qof ayaa kuleylka shuban uu keenay dartiis ugu dhimatay, biyo macaan iyo qabow malahayn, waxaan u xirney Marooxado, waxaan raadiney biyo macaan, booyad baa loo rukumay oo biyo macaan keena, shubankii wuu naga haray oo sanad walbo dadka dilayey”

Cabduqaadir Maxamed Yuusuf oo isna ah maxbuus waqti ku dhow saddex sano kana shaqaysta gudaha xabsiga ayaa ii sheegay haddii xukunkiisu uu u dhamaado inuu ku shaqaysan doono xirfadda uu ka bartay xabsiga ee harqaan toliska .

“Saddex sano ayaan joogaa, wax dhib ah ma qabo, wax fiican baan ka bartay, Harqaanka baan bartay, hadane faryaamada ayaan wadaa, hadda markaan baxo dhidikeyga ayaan cunayaa, markii hore qorey ayaan watey, markaan magaalada u baxo shaqo ii gaar ah baan sameysanayaa”

Taliye ku xigeenka Ciidamadda Asluubta Soomaaliyeed Cabdikariin Afrax ayaa bogaadiyay hormarkaasi ka jira xabsiga ee sarre loogu qaaday dhinaca xuquuqadka asaasiga ah ee maxaabistu u baahan yihiin wuxuuna sheegay in hogaanka talisku uu sii berataarayo hormarinta baahiyaha asaasiga ah ee maxbuusku u baahan yahay.

“Biyo qaraar ah oo Saddex Litir ah ayuu 24-saac maxbiiska ku noolaan jirey, jiifka Taako iyo Saddex far ku seexan jirey, ilaahay dhibaatadaasi wuu ka qaadey, maanta maxbuuska wuxuu ku  seexdaa sariir, dhalo ayuu daawadaa”

Haddaba  Isbadalkan hadda ka jira xabsiga dhexe ayaa waxaa qayb ahaan kaalin wanaagsan ka qaatay shaqsiyaad Soomaaliyeed oo u soo banbaxay in dayactir lagu sameeyo qolalka lagu hayo maxaabista oo la ballariyo halka markii horre ay ahayd in hal qol la isugu geeyo in kabadan 20 maxbuus.

Munasar Maxamed Cabdi

Goobjoog News