U bood dhigaalka

Isbedal Laga Dareemayo Qiimaha La Iibiyo Qudaarta Ee Suuqyada Baladweyne (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa uu ku tallaabsaday horumaro ballaaran oo dhinaca wax soo saarka qudaarta ah, iyadoo dalagyada kasoo baxa loo iib geeyo meelo badan oo dalka ah.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalkaasi ayaa la keenaa qudaarta kala duwan ee kasoo go’a beeraha gobalka Hiiraan, iyadoo halkaasi looga sii gudbiyo deegaanada kale ee dalka.

Ganacsatada Qudaarta Baladweyne ayaa u sheegay Goobjoog News in isbedal ballaaran laga dareemayo dhanka qiimaha qudaarta suuqyada magaaladaasi.

Waxa ay sheegeen in hadda qiimo ahaan qaar ka mid ah qudaarta ay noqdeen kuwo raqiis ah, sababtuna waxay ku sheegeen dalagyadii oo mar qura soo wada go’ay.

Qaraha (Xabxabka) Yaanyada, liinta, Basasha, Cambaha iyo qudaar kale ayaa suuqyada Baladweyne lagu arkayaa iyaga oo aad loo keenayo, qiimo ahaanna ka raqiisisan sidii hore.

Hoos ka daawo sawirada

 3 10 9 8 1 2

Goobjoog News