Iyada oo lagu jiro waqtiga jilaalka, xilligan oo kale marka la gaaro guud ahaan Soomaaliya waxaa aad uso go’a qaraha, iyada oo dadku aad u iibsadaan si ay qabow uga helaan.
Axmed Macallin Cali oo kamid ah ganacsatada qaraha iibiya isla markaana ka xamaasha ayaa ka warbixiyay halka uu qaraha kaga yimaado suuqyada Muqdisho iyo waqtiyada uu soo go’o.
“Qaraha wuxuu nooga imaan jiray Hargeisa iyo Beledweyne balse hadda wuxuu noon yimaadaa dhulkaan Awdhiigle iyo deegaannadda kale ee shabeelada hoose, xilliyada kulleylaha ayuu aad u baxaa, waana raqiis laakiin xilliyada qaboobaha wuu yaraadaa”Ayuu yiri Axmed Macallin Cali
Inkastoo baahida qaraha loo qabo xilligaan ay aad u badan tahay, hadana qiimihiisu waa mid aad u hooseeya marka la barbardhigo bilihii lasoo dhaafay, markaas oo xabadda qaraha ee birimada ah qiimo ahaan la iibiniyay 6 doolar. Waxaana hoos u dhacaan loo sababeynayaa qaraha oo soo go’ay xilligaan kuleylaha.
“Dallagiisuba waa xilliga kuleylaha, waana xilliga uu ugu jabanyahay. Bilihii lasoo dhaafay xabadda birimada ah $5 ilaa $6 ayaan gadeynay, hadana $3 ilaa $2.5. Xilliga xagaaga waaba go’anyahay lamaba helo xilliga kuleylaha saanoo kale ayuu meel walbo dhoobanyhay” Ayuu yiri saciid Yuusuf oo ka mid ah raga qaraha iibiya
Dadka Muqdisho ayaa iyagu hadda aad u iibsada qaraha, iyagoo ka sameysta cabitaanno.
“Faa’ido badan ayuu leeyahay, khudaarta hadda umadda waa fahantay, waagi hore oo cabitaanadda dibedda la cabi jiray ma aha, hadda waa shiitaan, isticmaalkiisa hadda aad ayey ula dhacsanyihiin”Ayuu yiri Saciid Yuusuf oo la hadlay Goobjoog News
Qaraha ayaa ka mid ah miraha dalka kasoo baxa, waana dallagg inta badan aad usoo go’a xilliyadda jilaalka ama kuleylaha.
Goobjoog News