U bood dhigaalka

Isbedal Lagu Sameeyey Xuquuqda Maxaabiista Ku Jirta Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in isbedal ballaaran ay ku sameeyeen xuquuqda maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeenka ciidamada Asluubta C/kariin Afrax oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in maxaabiista ay helaan xuquuq badan oo markii hore aaney heli jirin.

Waxyaabaha isbedalka lagu sameeyey ayuu ku sheegay iney ka mid yihiin dhanka Jiifka, waxbarashada, raashiinka, Tv-yo loo xirey maxaabiista, iney helaan adeeg biyo oo xilli walbo ah iyo sidoo kale in ay helaan koronto 24-saac ah.

“Isbedal badan ayaa la sameeyey, waagii hore maxbuuska waxa uu ku seexan jirey 1-taako iyo 3 far, waxaasi wey kasoo gudbeen hadda hoggaanka dartiis, maanta waxa uu maxbuuska ku seexdaa Sariis isaga u gaar ah, wuxuu daawadaa Talefishan uu caalamka kala socdo, wuxuu bartaa maxbuuska farsamada gacanta sida korontada, warshadda, sameynta qalabka kala duwan sida kuraasta, miisas iyo Hirqaanka, markii uu maxbuuska u dhammaado waqtiga xabsiga si uu u noolaado ayaa loo diyaarinayaa” ayuu yiri Taliye ku xigeenka.

Sidoo kale Taliye ku xigeenka ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in hadda ay dhiseen dugsi dhexe illaa heer Jamaceed ah, kaasi oo loogu talogalay in lagu horumariyo aqoonta dadka ku xiran xabsiga dhexe.

Wixii ka dambeeyey markii taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaaliyeed loo magacaabay Bashiir Goobe waxaa isbedal badan ku yimid xabsiga dhexe ee Muqdisho, iyadoo maxaabiista ku jirtey xabsigaasi ay heleen nolol ka duwan middii hore ee ay ku jireen.

Goobjoog News