U bood dhigaalka

Isbedal Xagga Dhismaha Iyo Amniga Oo Laga Dareemayo Magaalada Baladweyne

Sheeko:Dalka

Isbedal dhan walba leh ayaa laga dareemayaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, iyadoo magaalada uu ka socdo dib u dhis aad u ballaaran.

Waxaa lagu guuleystay dhismaha wadooyin badan oo magaaladaasi ku yaalla, waxaana sidoo kale socda dib u dhisyo dhanka guryaha ah.

Sidoo kale waxaa magaalada Baladweyne laga hirgeliyay nalalka ku shaqeeya cadceedda, waxaana taasi ay kor usii qaaday bilicda magaaladaasi.

Waxaa guud ahaan magaaladaasi kusoo kordhay xarumo ganacsi, iyadoo la dareemayo is dhexgal bulsho oo aan horay u jiri jirin.

Dadka shacabka ah ayaa magaaladaasi ku dhex mushaaxa illaa saq dhexe habeenkii, iyadoo dhallinyaradana loo sameeyay xarumo lagu ciyaaro Kubadda oo illaa xilli dambe habeenkii ay ku sugan yihiin.

Ammaanka

Inkastoo mararka qaar ay magaaladaasi ka dhacaan dilal qorsheesan, hadana waxaa maalmihii dambe lasoo sheegayaa in amniga uu yahay mid aad loo sugay.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa socod ku mara habeen iyo maalin xaafadaha magaalada Baladweyne, waxaana ay mar walba la socdaan dhaq dhaqaaqyada ka jira magaaladaasi.

Qaar ka mid ah waxgaradka waayo u jooga ah magaaladaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in isbedal la taaban karo dhanka ammaanka iyo dib u dhiska ah laga dareemayo magaalada Baladweyne.

Waa markii ugu horeysay tan iyo wixii ka dambeeyay burburka dowladii dhexe ee dalka, isbedal sidaan oo kale ah laga dareemo magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Khaalid Muxummad Ilka Case

Goobjoog News

Baladweyne, Hiiraan