U bood dhigaalka

Isbihiyesi Mucaarad Ah Oo Ku Gooddiyay In Dagaal Ay Abiy Xukunka Kaga Qaadayaan

Sheeko:Amniga

Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxaa lagaga dhawaaqay isbaheysi ka dhan ah dowladda uu hogaamiyo Abiy Ahmed ee Itoobiya.

Isbaheysigaan oo ay ku mideysan yihiin sagaal urur siyaasadeed oo awood ku leh dalka Itoobiya ayaa sheegay in uu qorshahooda yahay in dagaal ama wadahadal talada lagaga qaado ra’isuul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Uururada ayaa qeyb waxaa ka ah kuwa matalaya qowmiyadaha ugu awoodda badan dalka Itoobiya, xilli magaalada Addis ababa ay kaabiga ku soo hayaan xoogga Tigrayga iyo xulafadooda.

Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda, ayaa sheegay in qorshahooda ugu weyn yahay Abiy in laga badbaadiyo dalka, kaas oo uu ku sheegay in uu yahay Qatarta Itoobiya.

“Dan gaar ah kama lihin in aan galno caasimadda si aan xukunka ula wareegno. Naguma jiro damac ah dhul ballaarsi. Ujeedka keliya ee aan leenahay ayaa ah in aan xaqiijino in Abiy uusan khatar ku sii ahaan shacabkeena. Haddii ujeedkaas aan ku gaari karno gelitaanka Addis Ababa, waan geli doonnaa,” ayuu yiri afhayeenka xilli uu warbaahinta la hadlayay.

Xukuumadda Abiy ayaa dhankeeda sheegtay in dhawaan ay guul ka gaari doonto kooxda TPLF iyo xulafadeeda, xilli Abiy ay gacantiisa ku soo hareen Addis ababa iyo magaalooyin yar yar.

Tigrayga oo dagaalkan mudda sanad ah ku jiraay ayaa hadda garab ka heylaya Qowmiyadaha  Oromada, iyo qeyb ka mid ah Soomaalida.

Dhanka kale Safaaradda dowladda Mareykanka ee Addis ababa ayaa baaq kulul ka soo saartay dagaalka socda dalka Itoobiya, xilli mareykanku uu muwaadiniintiisa ugu baaqay in ay isaga baxaan dalkaan foodda u saaran dagaalada sookeeye.

War ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Addis ababa ayaa lagu furay muwaadiniinta bareykanka in sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan Itoobiya.

“Xaaladda ammaan ee Itoobiya ayaa ah mid aad u qasan. Waxaan kula talineynaa muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan dalkan inay uga baxaan sida ugu dhaqsaha badan,” ayaa lagu sheegay farriin la soo dhigay bogga internet-ka ee safaaradda.

Xaaladda dalka Itoobiya ayaa sii cakirantay kadib markii ay TPLF ay dagaalka kula soo biireen qowmiyado kale kuwaas oo aan dagaalka sanadka socda horay ugu jirin.

Dagaalka Abiy iyo TPLF ayaa hadda sanad jirsaday kadib markii Abiy uu November sanadkii hore 2020 uu amray in awood militeri xukunka laga tuuro xisbiga TPLF ee ka ariminayay gobalka Tigrayga kaas oo qaaddacay muddo kororsi iyo doorasho ku shubasho uu ku tilmamay uu qabanayay xisbiga Barwaaqo oo uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Mareykanka iyo dowladdaha Yurub ayaa ku guuldareystay in ay kala qaadan xabadda sanadka socota kadib markii labada dhinac ee dagaalka ku jira ay diideen in wax wadahadal ah uula furo midba midka kale.

Goobjoog News