U bood dhigaalka

Isbitaal Dhawr Dabaq ah oo La Dhagax Dhigey Jowhar (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

jowharIsbitaal noqonaya isbitaalka ugu weyn gobolka Shabeelada Hoose ayaa maanta la dhagax dhigey dhismihiisa magaalada Jowhar ee gobolkaasi.

Isbitaalka waxa uu ka koobnaanayaa illaa 3 dabaq, waxaa maalin kasta booqan karta illaa 250 bukaan socod ah iyo 100 qof oo jiif ah.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose Cali Cabdulle Xuseen Guudlaawe oo dhagax dhigey isbitaalka ayaa u mahadceliyey hey’adda Islamic Releif oo maalgalinta leh, wuxuuna sheegey in isbitaalka ay ka wada faa’iideysan doonaan dhamaan dadka gobolka.

Dhageyso

Goobjoog News