U bood dhigaalka

Isbitaalka Degmada Buurdhuubo Ee Gedo Oo Dawo La’aan Ah

Sheeko:Dalka

Dhaqaatiirta iyo howlwadeennada Caafimaadka ee isbitaalka degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa waxay ka deyriyeen Dawo la’aan soo wajahdey Isbitaalkaasi oo adeegyo caafimaad ay u doonan jireen dadka ku dhaqan degmadaasi, xilli maalmahii ugu dambeeyey ay sii kordheen bukaanada iyo tirada caruurta uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka.

Dawo la’aantani ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii mudo Seddax bil ah uu hakad ku yimid adeeggii caafimaad ee Isbitaalkani uu u qaban jirey dadka deegaanka, waxaana dhibaatadan loo sababaynayaa Dawooyinkii iyo qalabkii caafimaad ee ka imaan jiray Hay’adda TROCAIRE ee maamusha Isbitaalka oo soo gaari waaysay deegaanka, wadooyinkii soo galayey Buurdhuubo oo ku xirmey colaadaha.

Xuseen Cali Cabdile oo ah Maamulaha Isbitaalka Buurdhuubo oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay maalmahii ugu dambeeyey in ay sii kordheen tirada bukaannada la liidata Cudurada, isagoo sheegay Cudurka shubanka oo ka dilaacay Deegaanka in daawo la’aan darteed uu u dhintay Hal Qof ayna isbitaalka la jifaan Cudurkaasi 10-kale

Dawo la’aanta ka taagan isbitaalkaasi ayaa waxay ku soo beegmaysaa xilli bulshada ku dhaqan degmadaasi mudooyinkii ugu dambeeyey ay ka cabanayeen Cuduro iyo xanuuno ay ka mid yihiin , Shubanka , Malaariyada , Jadeecada , Oof-wareenka , Nafaqo darida iyo haweenka oo xilliga dhalmada la kulma dhibaatooyin.

Goobjoog News