U bood dhigaalka

Isbitaalka Degmada Cadaado Oo La Gaarsiiyey Deeq Dawo Ah

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka maamulka Galmudug State ayaa maanta deeq dawo ah gaarsiisay isbitaalka guud ee degmada Cadaado, xilli dawooyinkaasi loo baahnaa.

Dawadaan oo dhowr nuuc isugu jirta ayaa waxaa la wareegay maamulka Isbitaalkaasi, waxaana ay kala wareegeen Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo ay wehlinayeen agaasimaha wasaaradaasi iyo xubno kale.

Dr Maxamed Cumar Yuusuf oo ah agaasimaha guud ee Isbitaalka Cadaado ayaa sheegay in dawadaan ay la wareegaan, waxaana uu sheegay in xilligaan loo baahnaa dawada, kuwaasi oo isugu jira Faleebooyin, Dawooyinka Duumada iyo kuwa lagu dhayo dhaawacyada.

Agaasimaha ayaa ugu mahadceliyay wasaaradda caafimaadka Galmudug oo uu sheegay in shaqadooda dardar ay ku wadaan.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka Galmudug Maxamed Xasan Cali oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay ka warhayeen baahida dawo ee Isbitaalka Cadaado ka jirto, islamarkaana ay ku dadaalayaan sidii ay gacan buuxda usii lahaayeen.

Isbitaalka ayuu sheegay wasiir ku xigeenka inuu yahay midka kaliya ee dadka baahidooda sida loo baahnaa u haqabtira, ka maamul ahaanna ay la shaqeyn doonaan.

Isbitaalka magaalada Cadaado ayaa qaabila bukaanno farabadan oo qaarkood laga kala keeno gobalada Mudug iyo deegaanno ka mid ah Galgaduud, waxaana ka howlgala Laba dhaqtar oo kala qaabilsan qalliinada iyo cudurada guud.

Goobjoog News