U bood dhigaalka

Isbitaalka Degmada Cadaado Oo Lagu Soo Kordhiyay Qeybta Bukaannada Gaarka Ah

Sheeko:Dalka

Isbitaalka magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa lagu soo kordhiyay qeybta bukaannada gaarka ah, iyadoo munaasabaddii lagu furayay qeybtaan ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka mid ah maamulka Galmudug.

Qeybtani ayaa loogu tala galay in lagu daweeyo dadka la xiriira arrimaha ammaanka iyo dadka aan la dhigi karin qeyb walba oo isbitaalkaasi ka mid ah.

Agaasimaha Isbitaalka Cadaado Dr Maxamed Cumar Yuusuf oo ugu horeen halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay cid walba oo kaalin ka qaatay dhismaha qeybtan cusub ee lagu soo kordhiyay ee Isbitaalkaasi.

“Qeybtaan waa qeyb aan ugu tala galnay inaan ka dhigno qeyb VIP ah, in la geeyo dadka u baahan adeegga caafimaad ee meel walba aan la geyn karin hadii ay tahay arrimo amni iyo caafimaadka guud, waxaan u mahacelinaynaa cid walba oo kaalin ka qaadatay dhismaha qeybtan cusub” ayuu yiri Agaasimaha.

Gudoomiyaha degmada Cadaado Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xuseen ayaa isna dhankiisa sheegay in qeybtaan lagu soo kordhiyay Isbitaalka degmada Cadaado ay tahay horumar la gaaray, islamarkaana ku baaqay in lasii socdo.

Maxamed Xaashi Cabdi oo ah madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo isna xarigga ka jaray qeybtaan cusub ee lagu soo kordhiyay Isbitaalka degmada Cadaado ayaa ku ammaanay shacabka degmadaasi iyo guud ahaan qurba joogta Galmudug sida ay u garab taagan yihiin Isbitaalka degmada Cadaado.

Goobjoog News