U bood dhigaalka

Isbitaalka Hargeysa Oo Lagu Daryeelayo In Ka Badan 40 Caruur Oo Nafaqo Darro Haysa

Sheeko:Caafimaadka

Qeybta nafaqeynta caruurta ee Isbitaalka guud Magaalada Hargeysa waxaa xilligaan bukaan jiif u ah illaa iyo 40 carruur ah oo dhammaantood Shan Sano jir ka yar, kuwaasi oo laga kala keenay meello kala duwan kadib markii ay haleeshay nafaqo darro.

Isbitaalkaan oo ah kan ugu weyn ee ku yaalla Somaliland waxaa madaxa qeybtaasi nafaqeynta carruurta Drs Xamda Xuseen Daahir ayaa uga warantay Goobjoog News waxyaabaha sababa in carruurta ay nafaqo darro ku dhacdo.

“Waxaa loogu talagalay hooyada in canugeeda siiso naaska muddo Lix bil ah intaasna laga ilaaliyo biyo, caano sokor iyo dhir toona aan waxbo loogu darin, ilmihii markuu sidaan u dhasho waxaa hadda loo keenayaa Xabad masaasad ah iyo daasad caano ah, ilmaha calooshiisha ma qaadi karto, jirkiisa iskama saari karo sokorta, markii caanaha la siiyo naaska buu diidayaa, markii uu diidana difaacii baa ka lumaya, ilmaha waxa uu u nugul yahay xanuun walba oo ku dhaca inuu ku reebo nafaqo darro” Drs Xamda Xuseen Daahir ayaa sidaasi tiri.

Dhammaan caruurta isbitaalkan lagu daweynayo waxaa ka muuqata nafaqo darri xoogan iyadoo awoodooda jireedna tahay mid aad u hooseysa, waxaana xusid mudan in intii aynu halkaasi ku sugneen la keenay ilmo ay hooyadii ku sheegtay inuu jiray 9 bilood, balse muuqaalkiisa uu u egyahay ilmo 40 cisho kaliya jiray, waxayna Drs Xamdi nooga sheekeysay waxyaabaha ay u qabtaan carruurta loo keeno iyo halka ay ugu horreen ka abbaaraan.

“Markii naloo keeno canuga weynu miisaannaa, waxaan eegnaa dhirirkiisa, waxaan baarnaa in ilmahani nafaqo daran yahay iyo in uu ka baxsan yahay baan eegnaa, kadib sidaas ayaan ku dhignaa hadii uu nafaqo darri iyo xanuun qaba una baahan in la seexiyo, waxaan kadib u billaawnaa quudin caano la siiyo carruurta nafaqo darida ku dhacda oo Labo qeyb ah qeybta hore baan siinnaa, Labo illaa Seddax cisho kadibna waxaan sinnaa qeybta Labaad”

Caruurta la keeno Isbitaalka Hargeysa ayaa la dhigaa meello lagu daweeyo kuwa da ahaan ka weyn 5 sano waxaa la siiyaa cunto sida Buskut loogu tala galay.

Xarumaha ay deganyihiin Barakacayaasha ee magaalada Hargeysa ayaa la sheegay in meelaha ugu badan ee laga keeno carruurta nafaqo darrada haysa, waxaana hooyooyinka kula dardaarmeen dhaqaatiirtu in ilmaha la siiyo caanaha naaska.

Cumar Serbia

Hargeysa, Somaliland

Goobjoog News