U bood dhigaalka

Isbitaalka Qaaxada ee degmada Qoryooleey oo dawo la’aan laga soo sheegayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Degmada Qoryooleey ee gobalka Shabeelaha Hoose waxaa dhawaan laga hirgeliyay xarun caafimaad oo loogu tala galay in lagu daweeyo dadka Qaaxada qaba, iyadoo halkaasi ay jiifaan dad uu cudurkaasi soo rita kuwaa oo garaya 71 qof.

Xasan Cumar Xasan oo ah agaasimaha Isbitaalkaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in xilligaan aanay jirin wax daawo ah oo Isbitaalka yaala, sidoo kalena uu jiro bur bur danka Isbitaalka ah.

Agaasimaha ayaa sheegay in Isbitaalkaan looga kala yimaado deegaano badan oo ka mid ah gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana uu tilmaamay in Isbitaalka uu u baahan yahay daawooyin iyo dib u dhis.

Cumar Xasan ayaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo hay’adaha samafalka ah, waxa uu ugu baaqay in ay gar gaar lasoo gaaraan, haba ugu badnaateen daawooyin iyo agabka caafimaad intaba.

Qeybo ka mid ah dalka waxaa ku yaala xarumo caafimaad, kuwaa oo xilligaan qaarkood ay soo food saartay daawo la’aan ka dib markii ay dalka isaga baxeen hay’adihii taakuleen jiray.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News