U bood dhigaalka

Iscasilaad La’aan, Ciidanka Iyo Shaqaalaha Rayidku Ma Ku Biiri Karaan Sharci dajinta Dalka?

Sheeko:Amniga

Saddex taliye oo NISA soo maray, taliyeyaasha qeybta 60-aad iyo Asluubta iyo in ka badan 30 kale oo shaqaale heerar kala duwan oo NISA, xoogga dalka iyo booliiska ah ayaa ka mid noqday baarlamaanka federaalka ah ee 11-aad taasi oo ka hor imaaneysa dastuurka, sharciyada shaqaalaha iyo dhammaan sharaciyada doorashada dadban iyo midka qaran.

Si baal-marsan sharciyada, kaddib xulistooda iyo ka mid noqoshadooda baarlamaanka federaalka ah, waxaa shaqada caadi u wada taliyaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey iyo ku xigeenkiisa Kullane Jiis iyaga oo xarumo cusub furaya, shaqo magacaabis, kala beddel iyo arrimo kalana faraha kula jira, waxaa kale oo shaqada iska wata taliyeyaasha kale sida midka qeybta 60-aad iyo Asluubta.

Habraaca doorashada dadban ee ka dhashay heshiiskii September 17 ee ay saxiixeen madashada watashiga  qaran, isla markaana ay meelmariyeen labada Aqal ee baarlamaanka 10-aad,  waxaa uu dhigayaa  in Saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa bannaan ee Qaranka haddii ay tartamayaan waa in ay is casilaan saddex (3) todobaad ka hor wakhtiga diwaan gelinta musharraxiinta.

Habraaca Doorashada Dadban, Shuruudaha Musharrixiinta waxaa ka mid ah: (1). In uu yahay muwaaddin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed (2). Dhimirkiisu u dhan yahay (3). Da’diisu ka wayn tahay 25 sano (4). Aan xuquuuqdiisa muwaaddinnimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu dambeysay. (5). Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta. (6). In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah (7). In uu haysto warqadda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka. (8). Saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa bannaan ee Qaranka haddii ay tartamayaan waa in ay is casilaan saddex (3) todobaad ka hor wakhtiga diiwaan gelinta musharraxiinta. (9).Musharrax kasta oo u tartamaya Golaha Shacabka waa in uu bixiyaa lacagta diiwaan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.

(10). Lacagta diiwaan-galinta Musharraxiinta u tartamaya Golaha Shacabka waxay noqonaysaa $10,000, (Toban Kun oo dollar) oo ragga ah iyo $5,000, (shan Kun oo dollar) oo dumarka ah. (11). Lacagta diiwaan-galinta Musharraxiinta dib looma soo celinayo.

Marka laga soo tago habraaca doorashada dadban, xataa sharciga doorashooyinka qaranka qodobkiisa 24-aad, faqradiisa 4-aad iyo 5-aad waxaa ay u qoran tahay :  (4). Xubnaha ciidamada qalabka-sida, shaqaalaha Dowladda, diblomaasiyiinta, iyo xubnaha bahda garsoorka looma soo sharrixi karo doorasho liiskana laguma soo dari karo haddii aysan keenin caddayn shaqo ka tegis. 5. Warqadda caddaynta shaqo ka tegista looma diidi karo Murashaxa dibna looguma dhigi karo sabab la’aan.

Sharciga Axsaabta siyaasadda Qodobka 11aa waxaa isna ku xusan :  Xubnaha Ka reebban ka mid noqoshada Xisbiyada Siyaasadda.

(a). Ciidamada Qalabka Sida (b). Garsooreyaasha Maxkamadaha Dalka (c). Hawlwadeenada Safaaradaha (Diplomaasiyiinta) (d). Dhammaan Shaqaalaha dowladda waxaa ka reebban Inuu ka mid noqdo asaasayaasha ama xubin xisbi siyaasadeed, Inuu ka qeybqaato ololeynta ama dardargelinta hawlaha xisbi iyo kulamadiisa, Inuu muujiyo ujanjeeridda xisbi siyaasadeed si oraah ama qoraal ah oo wax u dhimi karta dhexdhexaadnimadiisa.

Marka laga soo tago xubnaha ciidanka, waxaa kale oo jira shaqaale rayid ah oo ka hawlgala dowladda federaalka ah iyo maamullada xubnaha ka ah oo ku biiray baarlamaanka 11-aad.

Shaqaalaha dowladda,  iney labo jago isku qabtaan waxaa isna diidaya sharciga shaqaalaha rayidka oo qodobkiisa 24-aad uu dhigayo sidan (1) Qofka shaqaalaha ah waxaa ka reebban:- (b) Inuu ku kaco fal lid ku ah Mabaadi’da caamka ah ee Shaqada, Sharciga Shaqaalaha rayidka ee Dowladda iyo Shuruucda kale ee Dalka. (t) Inuuu u isticmaalo adeegyada Qalabka iyo Waqtiga Shaqada dano Siyaasadeed oo ka baxsan danaha Shaqada iyo Shaqaalaha. (j) In uu isku mar wada qabto laba jago iyagoo aan si Sharci ah loogu oggolaan. (x) Inuu arrimihiisa khaaska ah u maamulo si u keeni karta inuu caadiyan deynlow noqdo. (kh) Inuu ka tago ama ka maqnaado Shaqadiisa isagoon oggolaansho ka haysan Madaxdiisa. (d) In uu Xil ka qabto Xisbi Siyaasadeed inta uu hayo shaqada Dowladda. (2) Qofka Shaqaalaha ahi waa inuusan ku kicin wax kasta oo keeni kara kala Qaybsanaan Shaqaalaha dhexdooda ah.

Dhanka kale, dastuurka oo ah heshiiska bulsho ee ugu weyn dalka, qodobka 127-aad ee Mabaadi’ida Ciidamada Amniga, faqrada (e) waxaa ku dhigan in ciidanka laga rabo Dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed, taasina waa mid ka hor imaaneysa saraakiisha kala duwan ee hadda soo galay baarlamaanka 11-aad.

Waxaa xusid midan in aaney dhisneyn sharciga hey’adaha ammaanka sida ku xusan qodobka 130-aad ee dastuurka KMG ah. Oo dhigaya: Labada aqal ee Baarlamaanka ayaa soo saaraya xeer maamulaya qaab dhismeedka, shaqada iyo heerarkooda (Stands) hay’daha amaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Haddaba, ma dhici kartaa in ra’isul wasaare Maxamed Rooble oo hadda mas’uul ka ah amniga qaranka uu kasoo gaaro fowdada ka jirta hey’adaha ammaanka, isla markaana uu shaqada ka diro saraakiisha horayna isku casili waayey, haddana shaqada iska wato.

Su’aasha ugu weynse waxaa ay tahay xubin garan weysay inuu dhowro habraaca doorashadiisa, sidee ayuu u ilaalin doonaa sharciyada kale ee dalka?

W/D: Cabdicaziz Gurbiye