U bood dhigaalka

Isgaarsiinta Degmooyin Ka Mid Ah Gobalada Gedo Iyo Bay Oo Maalintii Labaad Hawada Ka Maqan

Sheeko:Dalka

IsgaarsiinMaalintii Labaad waxaa hawada ka maqan Isgaarsiinta degmooyin ka mid ah gobalka Bay iyo Gedo, ka dib markii Al-shabaab ay Albaabada isugu dhufteen xarumaha Isgaarsiinta.

Xarumaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee degmooyinka Baardheere, Ceelwaaq, Diinsoor iyo Ufuroow ayaa weli hawada ka maqan ka dib shalay ciidamo ka mid ah Al-shabaab oo xarumahaasi tagay, ka dibna hawada ka saaray Isgaarsiinta.

Isgaarsiintaan hawada ka maqan waxa ay saameyn xoogan ku yeelatay shacabka degan degmooyinkaasi.

Warar aynu helnay waxay sheegayaan in tani ay ka dambeysay khilaaf soo kala dhex galay Al-shabaab iyo mas’uuliyiinta xarumaha shirkadaan la saxay.

Goobjoog News