U bood dhigaalka

Isgaarsiinta Magaalada Baladweyne Oo Saaka Hawada Ka Maqan

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in saaka ay hawada ka maqan tahay Isgaarsiinta magaaladaasi.

Dadka ayaa saaka markii ay soo tooseen waxay ku baraarugeen dhammaan Isgaarsiintii Taleefanka oo hawada ka maqan, iyadoo aan la ogeyn uljeedka arrintaasi ka dambeysa.

Waxaa shaqeynaya oo kaliya Internetyada magaalada, lamana Oga sababta arrintaasi ka dambeysa.

Horaantii Bishii tagtay ee September ayaa sidaan oo kale hawada looga saaray, ka dib dhaq dhaqaaqyo ay wadeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News