U bood dhigaalka

Isgaarsiinta Magaalada Mandheera Oo Hawada Laga Saaray Iyo Dhaqdhaqaaqa Magaaladaasi Oo Hakad Ku Jira

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno magaalada Mandheere ee Waqooyi Bari Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in maanta guud ahaan magaaladaaasi ay hawada  ka maqantahay  isgaarsiinta waxaana hakad ku jira dhaqdhaqaaqa guud.

Shirkada ugu weyn ee dhinaca isgaarsiinta ee Safaricom ayaa saqdii dhexe ee xalay hawada ka baxaday, waxaana ilaa iyo haatan la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in shirkadaasi ay hawada ka maqnaato sacaado badan.

Sidoo kale isku socodka dadka iyo midka gaadiid ee magaaladaasi ay hakad ku jira waxaana la soo sheegayaa in caruurta ku dhaqan magaaladaasi aysan saakay u dareerin goobaha waxbarashada.

Wararka aan dhinaca kale magaaladaasi ka helayno ayaa sheegaya in ciidamada wasiirka amniga Jubbaland ee Cabdirashiid Janan ay wali ku sugan yihiin qeybo ka mid ah magaalada Mandheera, taasina ay keenayso cabsi ay shacabku ka qabaan dagaal.

2-dii bishan ayey ahayd markii ciidamo ka kala tirsan dowladda federaalka ah iyo kuwa Jubbaland uu dagaal ku dhexmaray magaalada Belad xaawo dagaalkaasi oo markii dambe ku sii fiday qeybo ka mid ah magaalada Mandheera.

Goobjoog News