U bood dhigaalka

Isgaarsiinta qaar ka tirsan deegaanada J/hoose oo maqan xilli howl gallo ay socdaan

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka ku-meelgaarka Jubba oo gacan militiri ka helaya kuwa AMISOM gaar ahaan ciidanka Kenya ayaa hawl gallo la sheegay in ammaanka lagu sugayo waxa ay ka wadaan deegaano hoos taga deegaanka Xagar   ee gobolka Jubbada hoose.

Deegaanada qaar ee hawl gallada ay ka socdaan ayaa laga soo calamadaynayaa in hawada laga saaray anteenada telefoonada.

Wariyaal ku sugan magaalada Kismaaayo oo xarun u ah maamulka KMG Jubba ayaa soo sheegaya in meelaha qaar dagaalo ay ku dhax mareen labada dhinac ee loolanka u dhaxeeyo.

Saraakiisha maamulkaasi ma aysan bixin wax hadal ah oo ku saabsan hawl gallada ay ka bilaabeen gobolada Jubbooyinka deegaano ka mid ah, hase ahaatee suxufiyiin ayaa leh “ hawl galladan waa kuwo hore loo sii qorsheeyay”.

Goor sii horeysayna wasiirka maamulka KMG Jubba   u qaabilsan warfaafinta waxa uu xusay in Al -Shabaab ay ka saari doonaan deegaanada ay kaga harsan yihiin weli gobolada Jubbooyinka.

Ciidamada is garabsanaya aya todobaadkan bilowgiisa la wareegay deegaanka Buulo Gaduud iyaga oo weli bartilmaameydsanaya degmada Jilib oo ay ku suganyihiin xarakada Al-shabaab.