Wararka ka imaanaya goballada Mudug iyo Galgduud ayaa waxay sheegayaan in ay dib hawada ugu soo laabatay Isgaarsiintii deegaanno ka mid ah goballadaasi ee hawada ka maqneyd kadib markii Al-shabaab ay dhawaan hawada ka saareen Isgaarsiintaasi.
Muddo Afar cisho ah ayaa la sheegay in degmooyinka kala ah  Ceeldheer, Xarar-dheere, Hobyo iyo Deegaanada hoostaga isgaarsiinta ay ka maqneed, hase ahaatee maanta ay dib usoo laabtay.
Mid ka mid ah waxgaradka ku dhaqan Hobyo ayaa u sheegay Goobjoog News in saameyn ballaaran ay ku yeelatay isgaarsiinta hawada laga saaray, maad.
Ciidamo ka tirsan Al-shabaab oo kusii jeeday Gobolka Nugaal ayaa hawada ka saartay Isgaarsiintan, waxaana maalmihii hawada ay Isgaarsiinta ka maqneyd deegaannadaasi ay dadku ahaayeen kuwo ka xannibay dalka intiisa kale.
Goobjoog News