Isgaarsiintii Baydhabo oo Dib Hawada ugu Soo Laabatay

isgaarsiintaWaxaa dib hawada ugu soo laabtay isgaarsiinta magaalada Baydhabo taasi oo saacado badan hawada ka maqneyd kadib markii dagaalo ay ka dhaceen inta u dhaxaysa Baydhabo iyo Wanla Weyn.

Sida uu kusoo waramayo wariyaheena Baydhabo, waxaa la arkayay ciidamada dowlada oo qabqabtay dad lagu tuhunsanyahay in ay amni daro ka shaqaynayeen.

Waxaa kale oo magaalada galay kolonyo gaadiid ah oo waday kunteenaro la sheegey in ay u socdeen ciidamada AMISOM, kuwaasi oo ahaa kuwii dhexda uu dagaalka ku heley meel u dhow magaalada Buur Xakabo.

Waxaa kolonyada sagootinayay ciidamada xerada Lixdanaad ee dowlada.

Ma jiro wali wax mas’uul ah oo illaa iyo haatan ka hadlay sida ay wax u dhaceen.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW