U bood dhigaalka

Isimada Puntland Oo Go’aan Ka Soo Saaay Khilaafka Deni iyo Reer Diyaano

Sheeko:Amniga

Isimada maamulka Puntland oo tan iyo dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso waanwaan ka dhex waday madaxweyne Deni iyo agaasimaha hay’adda PSF ayaa go’aan ka soo saaray dagaalki 21–23 December sanadkii hore ka dhacay magaalada ganacsiga Puntland.

Odayaasha dhaqanka ayaa kulama kala duwan la qaatay bulshada magaalada boosaaso iyo waxgaradka magaalada ayaa go’aamiyay in la isku keeno labadan dhinac ee dirirta ay dhex martay.

Isimada ayaa sidoo kale go’aamiyay in agaasimaha hay’adda PSF uu sii ahaado Sareeyo Guuto Maxamamuud Cismaan Cabdullahio Diyaano, iyagoo meesha ka saaray agaasimihii uu magacabay madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Waxa ay sidoo kale go’aamiyeen in dowladda ay ka laabato heshiiskii DP-World taas oo ay ku eedeeyn in wax horumar ah aysan magaalada ka sameeyn shan sano oo ay joogtay.

Hoos ka akhriso go’aanka isimada Puntland