U bood dhigaalka

Iskaashatada Gadiidka Gobolka Jubada Hoose Oo Dib Loo Howlgelinayo

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Jubada Hoose ayaa sheegay in dib loo howlgelin doono iskaashatada gaadiidka gobalkaasi, kaasi oo ay tilmaameen in baahi weyn loo qabo.

Gudoomiyaha gobalka Jubada Hoose ee Jubbaland Cabdirashiid Gooni oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay wada shaqeyn dhexmarta gaadiidleyda iyo maamulkiisa.

Ishkaashatadani ayuu sheegay in ay keeni doonto sida lagu yaqaannay isku xirnaan darawallada gaadiika kaxeeya iyo sidoo kalena maamulkooda u sahleyso ka warqabka gaadiidka.

Gudoomiye Gooni ayaa dhinaca sheegay in dhawaan kullan ballaaran ay la qaadan doonaan gaadiidleyda ka shaqeysa gobalka Jubada Hoose, kaasi oo looga hadli doono arrimo la xiriira shaqadooda iyo sidoo kale is faham ay la yeeshaan maamulka.

Arrintani ayaa imaanaysa xilli maamulka Jubbaland uu maalmahan dambi ku howlan yahan ka warqabka gaadiidka ka howlgala deegaanada maamulkaasi ka taliyo.

Goobjoog News