U bood dhigaalka

Isku Gudubka Waddooyinka Makka Al-mukarrama Iyo Wadanaha Oo Xiran

Sheeko:Dalka

Maalintii Saddexaad waxaa si xiriir ah u xiran isku gudubka waddooyinka Wadnaha iyo Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay xireen ciidamada xasilinta Caasimadda.

Isgoysyada Sanca, Afarta Jardiin, Siinaa, Xarar-yaalle, Geed Jaceyl, Aadan Cadde, Howlwadaag, Bakaaraha, Tarabuunka iyo jidad kale oo markii hore ay isticmaali jireen gaadiidka dadweynaha ayaa weli xiran.

Ma jiro wax gaari ah oo ka yimaada dhanka Wadnaha misane u gudbi kara dhanka Makka Al-mukarrama, sidoo kalena gaadiidka ka taga Makka Al-mukarrama ayaan iyaguna loo fasaxeyn dhanka Wadnaha.

Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News, ayaa soo arkay shacab u badan arday iyo shaqaale oo markii ay yimaadaan halka ciidamadu joogaan lug uga billaabaneyso, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa xirista waddooyinkan.

Wixii ka dambeeyay February 8, waxay dowladda Federaalka Soomaaliya dhagxaan ku xirtay jidcaddayaal badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo taasina ay dhibaato badan ku noqotay dadka shacabka ah.

Goobjoog News