U bood dhigaalka

Iskuulka Taqasuska Gaarka ah ee Badda oo Xaflad Xiritaan Loo Sameeyey

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya, waalidiin iyo arday badan ayaa ka qeybgalay soo xiritaanka sanad dugsiyeedka iskuulka barashada culuumta badda ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay maamusho jaamacadda City.

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda City Cabdikariin Xasan ayaa sheegay in ardayda ay qaateen hal sano oo foundation ah, isla markaana ay ka go’antahay in la baro culuumta badda, isagoo Wasaaradaha Kalluumeysiga iyo waxbarashada ka codsaday inay ilgaar ah ku eegaan dugsiga.

Guddoomiyaha Degmada C/casiis ayaa tilmaamay in ka degmo ahaan ay garan taaganyihiin ardayda wax ka barata dugsiga sare ee badda.

“Maamulka Gobolka Banaadir, qaasatan kan degmada C/casiis, waxaan garab taaganahay iskuulkan, in aan wax caqabad ah uga imaan xagga amniga, inaysan wax caqabad ah uga imaan x xagga bii’ada, waxaas oo dhan anaga ayaa diyaar u ah garabkooda ayaan taaganahay, waana ku faraxsanahay, in shaqada ay halkaan ka socoto, Jaamacadda iyo Iskuulka maamulkooda waan ku dhiri gelineynaa arrintan” ayuu yiri Guddoomiyaha Degamda.

Madaxa hayd’adda Hasiina oo taageerta dugsiga sare ee badda Mascuud Galbihar ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sida ay ardayda uga go’atahay inay wax bartaan, ayna sii wadayaan taageerada ay siinayaan.

“Farxad ayay ii tahay in aan halkaan idinka joogo, oo aan idinla hadlo iyo in aan arko waxa noo qabsoomay sanadkii tegay, isla markaana aan dib u eegno sanadka xiga waxa inoo qorsheysan, Insha Allah, Walaalaha ku nool Yurub waxa ay diyaar u yihin inay idinla wadaagaan dhibta aad ku jirtaan,  way idin jecelyihiin, waxayna diyaar idinla yihiin inay idin caawiyaan” ayuu yiri Mascuud.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Mudane Cabdullaahi Bile Nuur ayaa sheegay in ay tahay tallaabo lagu farxo in ardayda Soomaaliyeed ay baranayaan culuumta Badda.

“Aad iyo baan raggii ka soo shaqeeyay iyo hay’adda Hasiina iyo dadkii howshan soo qabtay, waan u mahadcelinayaa, wax weyn bay noo qabteen, waxayna u baahanahay iskuuladaas lagu baranayo cilmiga, yacni meelaha ay dhaqaalaheenu ku tiirsanyahay, runtii wax aad loogu farxo weeye sanadkii koowaad, waxaan u dabaal degeynaa sanad guuradii ka soo wareegtay ardayda foom one-ka dhameeyay, xafladii xiritaankooda guul baan u rajeyneynaa, 50-kii ugu horeeyay baa ka baxay, sanadka xiga 100 baan u rajeynayaa” ayuu yiir Wasiiru-dowlaha Waxbarashada.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Mudane Maxamed Cumar Ceeymooy ayaa sheegay in uu ku talinayo sidii bulshada ay uga faa’iideysan lahaayeen kheyraadka badda, isla markaana uu diyaar u yahay in uu garab istaago ardayda wax ka baranaysa dugsiga sare ee badda.

“Marka dadka hamiyay in ay arrintaas u istaagto ee ay bartaan culuumta badda, kalluunka aad iyo aad ayaan u soo dhaweneynaa, waa waxyaabaha aan maanta isleenahay waad tabeyseen oo aad u baahneedeen, marka aniga waxaan ku talin lahaa haddii aan ahay Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, waxaa maanta foodda inoo saaran kalluunka nagi ee muuqda, oo aad moodo in uu banaanka yaallo, in aan ka baahnaano waa nasiib darro, aan u jeesano aan saarano badaan kalluunka ka buuxa” ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda.

Iskuulkani ayaa waxa uu ka mid yahay kuwa taqasuska gaarka ah ee jaamacadda City ay waddo, waxaa la mid ah iskuulka tiknoolajiyadda ee Sheekh Yuusuf Al kowneyn.

Goobjoog News