U bood dhigaalka

Iskuullada Cabud-Waaq Oo Maalintii Labaad Xiran

Sheeko:Dalka

Degmada Caabudwaaq  ee goolka Galgaduud  waxaa gabi  ahaan maalintii labaad  hakad  ku jira howshii dugsiyada waxbarasho ee ku yaal degmadaasi iyadoo  sababta arintaasi keentana  ay  tahay dil degmadaasi  ay kooxo hubeysan ay ugu geesteen mid ka mid ah macalimiinta ka howl gala degmadaasi .

Macalinka  la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray  Qadar  Maxamed Axmed  kana mid  ahaa barayaasha  wax ka dhigaayey iskuulka  hoose dhexe  sare  ee IQRA ee degmada Caabudwaaq ku yaala  ayaa  waxaa la sheegay inuu dil u geystay ruux madaxa looga jiray  iyadoona arrinkaasi ay keentay in bahada waxbarashada  ee degmadaasi ay ka kacaan  waxaana shalay isla degmadaasi ka dhacay bananbax  balaaran  oo ay soo qabanqaabiyeen  bahada waxbarashada ee ku nool degmadaasi.

Banaan baxaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay  bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan degamadaasi iydoona dibaxyaasha ay ka careysnaayeen dilaka loo geestay marxuum Qadar  oo ka mid aha barayaasha ku nool degmada caabudwaaq eee gobolka galgaduud .

Debadbaxaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey  aradeyda iyo macalimiinta ku nool degamada caabudwaaq iyagoona ku dhawaaqay labo maalmood oo baroor diiq ah .

Inta badan barayaasha soomaaliyeed   oo ku shaqeeya daruufo aad u adag ayaa hadana waxay la kulmaan  tacadiyo ka dhan ah bani aadanimada .

Goobjoog News