Iskuullada Cabud-Waaq Oo Maalintii Labaad Xiran
Degmada Caabudwaaq ee goolka Galgaduud waxaa gabi ahaan maalintii labaad hakad ku jira howshii dugsiyada waxbarasho ee ku yaal degmadaasi iyadoo sababta arintaasi keentana ay tahay dil degmadaasi ay kooxo hubeysan ay ugu geesteen mid ka mid ah macalimiinta ka howl gala degmadaasi .
Macalinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Qadar Maxamed Axmed kana mid ahaa barayaasha wax ka dhigaayey iskuulka hoose dhexe sare ee IQRA ee degmada Caabudwaaq ku yaala ayaa waxaa la sheegay inuu dil u geystay ruux madaxa looga jiray iyadoona arrinkaasi ay keentay in bahada waxbarashada ee degmadaasi ay ka kacaan waxaana shalay isla degmadaasi ka dhacay bananbax balaaran oo ay soo qabanqaabiyeen bahada waxbarashada ee ku nool degmadaasi.
Banaan baxaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan degamadaasi iydoona dibaxyaasha ay ka careysnaayeen dilaka loo geestay marxuum Qadar oo ka mid aha barayaasha ku nool degmada caabudwaaq eee gobolka galgaduud .
Debadbaxaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey aradeyda iyo macalimiinta ku nool degamada caabudwaaq iyagoona ku dhawaaqay labo maalmood oo baroor diiq ah .
Inta badan barayaasha soomaaliyeed oo ku shaqeeya daruufo aad u adag ayaa hadana waxay la kulmaan tacadiyo ka dhan ah bani aadanimada .
Goobjoog News