U bood dhigaalka

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Ku Guuleystay Doorashadii Jabuuti

Sheeko:Dalka

Xukuumadda Jabuuti ayaa sheegtay in doorashadii shalay ka dhacday dalkaasi uu ku guuleystay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle kadib markii uu helay codad ku filan.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti ayaa lagu sheegay in Mr Geelle uu helay codad gaaraya 68.68, taasi oo suurta gelinaysa in markiisii Afaraad uu maamulo hogaanka dalkaasi.

Musharraxiinta iyo sida la sheegay inay natiijooykooda u kala heleen:-

Ismaciil Cumar Geelle waxa uu helay 68.68 codadkii doorashada

Cumar Cilmi Kheyre waxa uu helay  helay 7.32 codadkii doorashada

Maxamed Daa’uud Shixin waxa uu helay 2.28%  codadkii doorashada

Maxamed Muuse Cali waxa uu helay 1.53%,   codadkii doorashada

Xasan Idiris Axmed waxa uu helay 1.39%,   codadkii doorashada

Jamac C/raxman Jamac waxa uu helay 0.79%. codadkii doorashada

Dhinaca kale waxaa guusha Mr Gelle Talefishanka Qaranka ee dalka Jabuuti ka xaqiijiyey Cabdulqaadir Kaamil Maxamed oo ah Ra’iisul wasaaraha dalkaasi oo tilmaamay in Mr Geelle uu helay codad ku filan.

Xubnaha mucaaradka ah ee doorashada kula jiray Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in natiijadan aysan ahayn mid sax ah, islamarkaana doorashada ay u dhacday qaab aan cadaalad ahayn oo la musuqay.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa talada dalkaasi qabtay sanadkii 1999, waxayna tani ay noqoneysaa markii sii Afaraad oo uu guuleysto.

Goobjoog News