Ismaaciil Haniya Oo Noqday Hogaamiyaha Cusub Ee Xarakada Xammaas

Hogaamiyaha ururka Xammaas Khaalid Mishcal ayaa sheegay in ra’iisulwasaarihii hore ee Falastiin Ismaaciil Haniya uu ku guulestay inuu noqdo madaxa xafiiska arrimaha siyaasadda ka dib doorasho dhowaan ka dhacday dalka Falastiin.

Ismaaciil Haniya oo ah 54 sano jir ayaa waxaa la tartamay Muuse Abuu Marzuuq oo horay u ahaa ku xigeenka xafiiska arrimaha siyaasadda .

Ismaaciil Haniya ayaa waxaa lagu wadaa inuu u safro magaalada Dooxa ee caasimadda waddanka Qatar halkaasi oo uu kaga qeybgali doono doorashada.

Xilkaan ayaa horay waxaa u hayay Khaalid Mashcal oo qabtay sanadkii 1996 dii waan 60 sano jir.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW