U bood dhigaalka

Buubaa “Caalamka waxba kama bedali karaan khilaafka Madaxda dowladda (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Ismaaciil Hurre Buubaa oo xilal ka soo qabtay dowladihii KMG ahaa ayaa sheegay in beesha caalamku aysan awoodin wax ka qabashada ismaandhaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay madaxda Dowladda Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in talo soo jeedin ay ku leedahay arintani beesha caalamka isla markaasina ay muhiim tahay in loo dhaga nuglaado, isaga oo meesha ka saaray in Beesha Caalamku ay xal u heli karaan khilaafaadkaasi.

Mar uu ka hadlaayay kaalinta khilaafkaan ay ku yeelan karaan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in iyagu aanay wax shaqo ah ku lahayn, kaliyana looga baahan yahay in ay xaliyaan khilaafka hadda taagan.

Dastuurka dalka ayuu sheegay in uu qabo, hadii ay yimaadaan xaalado sidaan oo kale ah in la geeyo baarlamaanka Soomaaliya six al deg deg ah u keeno.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysi aynu la yeelanay Buubaa.

Goobjoog News