U bood dhigaalka

Israel oo baareysa dilka muwaadin falastiini ah

Sheeko:Amniga

Xukuumadda Tel aviv ayaa sheegtay in ay baareyso dil loogeystay muwaadin falastiini ah kaas oo ay ciidamada toogteen todobaadkii hore.

Dilkaan ayaa ka dhacay bar koontarool oo ku taalla xaafadda ninka la toogtay taas oo u dhaw daanta galbeed ee ay yahuuddu xoogga ku haysato.

Ninka la dilay ayaa la sheegay in uu daganaa xaafadda, sidoo kalena aad looga yaqiinay goobta lagu dilay, waaana nin 45 sano jir ah waxaana lagu magacaabayay Axmed Kahla.

Kahla ayaa isku dayay in uu gaarigiisa ka dago xilli ay askarta waxbaarayeen taas oo sababtay dagaal dhex mara isaga iyo askarta sababayna dhaawac uu markii dambe u geeriyooday Kahla.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in ay bilaabayaan baaritaannada kiiska ninkaan oo si wayn ugu faafay baraha bulshada, dhaleeceen badanna ay kala kulmeen ciidamada.

Askarta israel ayaa toogtay 18 qof saddexda isbuuc ee ugu horeysa sanadka 2023-ka.

Goobjoog News