Wararka Dalka

Israel Oo Laashay Sharci Ay Horay Ugu Soo Rogtay Muhaajiriinta Afrikaanka Ah Ee Ku Nool Dalkeeda

Israel ayaa laashay qorshe inta badan kiciyey muran kaasi oo ku saabsan Tarxiil wadareed ay ku sameyn rabtay muhaajiriinta Afrikanka ah ee ku sugan dalkeeda.

Arrinka laalitaanka ayaa yimid ka dib markii Israel iyo qaramada midoobay ay isla gaareen heshiis ku saabsan mustaqblka dadkan.

War ka soo baxay Xafiiska ra’iisulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in xafiiska socdaalka ee raacsan qaramada midoobay ay ka wada xaajoon doonaan heshiisyo lala gelayo dowladaha reer galbeedka, si dib u dejin loogu sameeyo in ka badan 16 kun oo muhaajiriin Afrikan ah, halka Isarel  ay  iyadana ka shaqeyn doonto in ay hagaajiso xaaladaha sharci dadka doonaya in ay sii joogaan dalkeeda.

Israel ayaa horay u sheegtay in ay eryi doonto dadka  Afrikaanka ah ee ku nool dalkeeda waxaa ayna ugu baaqday in si iskood ah ay uga baxaan dalka ama la xiri doono.

muhaajiriinta ka soo jeeda Afrika ee ku nool Israel ayaa wxaa lagu qiyaasaa in ay ka ban yihiin 40 kun oo qof.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close