U bood dhigaalka

Israel Oo Qiratay Inay Khatar Ku Jirto Jiritaankeda!

Sheeko:Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa sheegay in mustaqbalka Israa’iil uu khatar ku jiro, isagoo Shalay oo Jimce ahayd, ka hadlayay ka bixitaanka mid ka mid ah xildhibaanada dowladdiisa ee baarlamaanka isreal ee (Knesset).

xukuumadda hadda jirta ayaa dadaal ugu jirta inay wadaxaajood lagasho xildhibaanad Gida Rinawi Zoabi, oo xubin ka ah xisbiga garabka bidix ee Meretz, oo isbahaysi la’ah xukuumadda, si ay ugu qanciso inay ka laabato ka bixitaankeeda golaha Knesset-ka.

Mss Gida ayaa ku dhawaaqday inay ka baxday baarlamaanka, sidaas darteedna ay faarujinayso isbaheysiga talada haya, tasoo tirade xildhibaanada isbaheysiga ka dhigtay 59 cod oo keliya, kana dhigtay kuwo laga tiro-badanyahay marka loo eego tirade guud ee golaha knessetka oo ah 120 xubnood.

Ra’iisal Wasaare Bennett ayaa hadal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuu ku yiri: “Inaan mas’uul ka nahay sameynta dowlad samatabixineed waxay ahayd doorasho adag, laakiin mustaqbalka waddanku wuxuu ku jiraa khatar, waana inaan u dagaallanaa sidii aan u ilaalin lahayn midnimada dadkeenna, sababtoo ah dal kale oo an leenahay ma jiro.”

Wuxuu kaloo ku andacoodey in dowladda hadda jirta “ay ku guuleysatay dhowr meelood, oo ay ku jiraan ka hortagga fayraska Corona, shaqo la’aanta, rabshadaha, iyo curyaaminta dowladda.”

Waxa kale oo uu sheegay in dawladiisu ay kor u qaaday dhaqaalaha sannadkii la soo dhaafay oo ay gaartay 8%, iyo tirada dilalka ee bulshada Carabta ay hoos u dhacday 30%.

“Waxaan keenay xasilloonidii ugu dheereyd muddo sannado ah oo an kasameynay dadka deggan xuduudka Gaza iyo Sderot, waxaana kobcinay miisaaniyadda guud ee dawladda Israa’iil,” ayuu raaciyay.

Xisbiga mucaaradka ugu weyn ee Likud oo uu hogaaminayo Benjamin natenyahu ayaa sheegay inuu Arbacada golaha horgeyn doono hindise sharciyeed si loo kala diro Knessetka oo loo qabto doorashooyin waqtigeedii laga soo hormariyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyado Israel ay wajahayso kororka dhanka weerarada  abaabulan ah oo ay fulinayaan falstiiniyiinta dhulkooda xoogga looga haysto oo ay dheertahay hanjabaado maamulka yuhuudda kaga imanaya kacaanka islaamiga ee iran.

 

W\Q | Yahye Soocade

GOOBJOOG NEWS