U bood dhigaalka

Isticmaalka Soolarka Oo Dalka Kusoo Batey

Sheeko:Dalka

Soolarka oo ah koronto dhaliye ka tamar qaata ileyska cadceedda ayaa hadda waxaa muuqaneysa fahanka isticmaalkiisa in uu ku sii kordhayo dalka

Isticmaalka soolarka oo aan sidaas dadka Soomaaliyeed aysan ugu sii xeeldheereyn ayaa hadana sidaa oo ay tahay waxaa jira meelo badan oo ka mid ah dalka oo laga isticmaalo Soolarka

Shirkadaha korontada bixiya ee ka jira dalka ayaa mustaqbalka dhaw laga yaabaa in ay ka gudbaan matooradii dhawaqa badnaa ee korontada ay ka bixin jireen dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay

Soolarka ayaa ah ka awood qaate ileyska qoraxda bixin karana awood koronto oo looga maarmi karo tamarta koronto ee laga helo matoorada shidaalka ku shaqeeya.

SoolarKa ayaa la aaminsan yahay in awood buuxda uu u leeyahay daboolidda baahida loo qabi karo in koronto laga helo matoorada hadda la isticmaalo

Injineer Yuusuf Xaayow waxa uu ka mid yahay injineerada u qaabilsan dhanka soolarka shirkadda korontada BECO

waxa uu sheegay in soolarka awood buuxda uu u leeyahay in la helo tamar koronto oo u dhigmata tamarta laga helo matoorada

isagoo xusay in ay isbedel ku sameyn doonaan qiimaha iminka korontada ay ku bixiyaan waxa uuna tilmaamay in  goor dhaw ay rajeynayaan in guud ahaan shirkadda u guurto soolarka hadana ay socoto tijaabo ku aaddan  awoodda soolarka.

Xasan Cabdulqaadir Xasan waxa uu ka mid yahay holwadeenada shirkadda soolarjiin oo ka mid ah shirkadaha dalkeena soolarka waxa uu sheegay in faa’iido badan uu leeyahay soolarka  isagoo tilmaamay in ilaa iyo mudo ka badan 25 sano uu shaqeyn karo soolarka haddii si wanaagsan loo isticmaalo

Sakariye Maxmed Cali waxa uu ka mid yahay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee isticmaala soolarka waxa uu sheegay in soolarka uu uga maarmay dhibaatooyin badan oo uu kala kulmi jiray xilligii korontada uu Isticmaali jiray waxa uuna sheegay in hada aysan jirin cid koronto kula xisbaatan ta xili walabana uu isticmaalo.

Dhinaca kale Yuusuf Xasan waxa uu ka mid yahay dadka isticmaala korontada dhibaato xooggan ayuu tilmaamay  in uu ku qabo isticmaalka korontada

waxa uu xusay in mar walba laga qaado lacag uusan garaneyn xilliga uu isticmaalay  hadana iydoo taasi ay jirto ayuu sheegay in marka laguu soo gelinayo korontada in lacag xad dhaaf ah laga qaadayo taasi oo ay ka sii daran tahay iskadaba wareeg badan oo lagu gelinayo xilliga lacagtaasi lagaa qaado

Ustaad Cabdi casiis waa mid ka mid ah bareyaasha wax ka dhiga jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho  waxa uu sigaar ah u dhigaa kuliyadda dhaqaalaha waxa uu tilmaamay in korontada kaalin wanaagsan ay uga jirto dhanka dhaqaalaha dalka

waxa uuna tilmaamay in faa’i ido badan laga dhaxli karo in dhammaan korontada dalka laga bixiyo soolarka taasina ay ka qeyb qaadan karto in uu kobco dhaqaalaha dalka

in laga gudbo matoorada hadda laga bixiyo korontada looguna bedelo koronto bixinta soolar ayaa la aamin san yahay in faa ido badan ay u leedahay meelo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha iyo in ay yaraato wasaqoobidda hawda.

W/Q: Xasan Kaafi Maxamed

Tifaftirey: Bashiir Maxamuud Wehliye