U bood dhigaalka

Isticmaalka Dhuxusha Ee Magaalada Muqdisho Oo Sii Yaraanaya

Sheeko:Dalka

Dhuxusha waa mid qaasare badan u leh deegaanka waana mid isticmaalkeeda uu ka jiray Beled iyo baadiyeba waxaana ay  dadka magaalada kasii guurayaan isticmaalkeeda iyagoo u guuraya isticmaalka korontada iyo Gaaska

Isticmaalka adeegyada technology-yada ah ayaa ka hirgalay magaalada iyadoo dadka inta badan ay noqdeen kuwa isticmaala kadib markii ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda jooga ay soo kordhiyeen adeegyo aan horay looga isticmaali jirin dalka.

Isticmaalka makiinadaha ku shaqeeya korontada iyo Gaaska ayaa si hufan uga billowday magaalada Muqdisho iyo meello kale oo Soomaaliya ka mid ah waxaana taas ay noqotay horumar ay tiigsadeen isticmaalayaasha oo horseedaysa gaarista wadamada Soomaaliya la midka ah.

Hadaba warbixintaan ayaan ku eegi doonnaa faa’iidada iyo faa’iido darada adeegsiga koronta iyo gaaska ay u leedahay dadka iyo deegaanka.

Hanaan Cabdiqaadir waa gabar isticmaali jirtay yaraanteedii makiinadda gaaska meel ka baxsan Soomaaliya, waxa ay ii sheegtay in qalabkaan ku shaqeeya korontada iyo gaaska  uu yahay mid dadka u sahlaya in si fudud ay wax ugu karsadaan iyagoo aan wakhti badan qasaarin.

“ Waxaan aaminsanahay in dhuxushu aysan faa’iido u lahayn dadka iyo degaankaba, anigu waligay ma aanan isticmaalin hayeeshee waxaan ogahay dhibka ay dadku ku qabaan iyo waxqtiga ay qasaarinayso”

Guryaha laga isticmaalo makiinyadaha ku shaqeeya korontada ayaa bixiya lacag ka badan midii ay ku iibsan jireen dhuxusha taas oo ay ku doorsadeen beeqaaminta waqtiga oo 10 jibaar ka yar wakhtigii ay dhuxusha ku bixixinaayeen.

Kuwa isticmaala makiinadaha ku shaqeeya gaaska ayaa bixiya lacag ka yar mida ay bixiyaan guryaha  Korontada kana badan dhuxushii ay isticmaali jireen ha yeeshee ka qatar badan korontada.

Hanaan ayaa tiri “Waa in wacyi gelin laga sameeyaa sida loo  isticmaalayo gaaska maxaa yeelay waxay keeni karaan qatar ka badan faa’iidada ay leedahay, dadka qaar ma yaqaanan sida ay u isticmaali lahaayeen makiinadda gaaska sidaas darteed waxaan kula talinayaa isticmaalayaasha in ay bartaan qaabka wax loogu kariyo makiinadahaas”

Shirikadda Muqdisho Gaas waxa ay ka mid tahay shirikadaha magaalada muqdisho keenay adeegan gaas waxa aan mas’uuliyiinteeda wax ka waydiiyay adeegan waxa uu kaga badalan yahay dhuxushii ay dadku horay u isticmaali jireen.

Cabdifitaax Faarax Xasan ayaa sheegay in gaasku uu faa’iido u leeyahay dadka isticmaala haseyeeshee hadii qaab qaldan loo isticmaalo ay noqon karto faa’iido darro dadka soo wajahda.

Dhuxusha ayaa ah mid haatan wax badan iska badaleen qiimaheedii marka loo eego sanadihii hore, hadaba Cabdifitaax ayaan weydiiyay qiimo ahaan waxa ay ku kala duwan yihiin gaaska iyo dhuxusha.

“Qiimo ahaan gaasku wax badan kama badna qiimihii dhuxusha horay loo iibin jiray oo dadku waxa ay ku qaataan qiima macquul ah”

Marka laga tago guryaha laga isticmaalo waxaa jira in goobaha maqaayadaha ay adeegaan u arkaan mid ay ka heleen faa’iido ah in ay dhaqso u samaysan karaan dalabaad dadweynaha ee isla daqiiqadda loo taagan yahay.

Farxiya Axmed waa haweeney ka shaqeysa mid ka mid ah maqaayadaha magaallada Muqdisho, waxa aan wax ka waydiiyay faa’iidada ay ku qabaan makiinadaha gaaska ku shaqeeya iyo waxa ay kaga bedallan tahay dhuxushii ay isticmaali jirtay.

Farxiya ayaa tiri ’’waxa aan ka faa’iiday makiinadda isticmaalkeeda beeqaanminta waqtigii iyadoo aan bixin lacag badan”

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxa ay gaaraysay sanadihii u dambeeyey horumaro la taaban karo waxaana magaalada ay la jaan qaadaysaa magaalooyinka kale ee la mid ka ah.

Adeegyada kusoo kordhay ayaa ah mid wax badan ka badalay fahamka nolosha dadka waxaana adeegyadaas badankood ay yihiin kuwa dadku ay ka faa’iideen.

Inkastoo dadka dhaqaalahoodu uu aadka u hooseeyo aysan awoodin in ay isticmaalaan ama ka faa’iidaystaan aaladaha aan kor kusoo sheegnay kuwaas oo taa badalkeeda isticmaalla dhuxul ama qoryo ku jaan go’an lacagta yar ee jeebkooda ku jirta.

Soomaaliya ayaa hogaaminaysa wadamada ugu qaalisan dhanka korontadda taas oo iminka looga fadhiyo inay wax ka qabato dowlada Soomaaliya si wax looga qabto ganacsatada faa’iida raadiska badan.

W/D: Leylo Cabdi Maxamed

Goobjoog News