Itoobiya: Aabbaha Murannada Biyaha ee Gobolka

Biyuhu waa waxa ugu muhiimsan ee nolosha banii’aadanku idilkeed ku tiirsan tahay. Hawlaha muhiimka ah ee banii’aadanku qabtana waxa fure u ah biyaha oo la’aantood ma qabsoomi karaan. Biyala’aantuna waxa ay ka dhigan tahay nolol la’aan. Sidaasi darteed, ilaa bilawgii nolosha aadamaha, biyuhu waxa ay ahaayeen mid ka mid ah ilaha khilaafyada. Dedaalka qolo walba ugu jirto inay gacanta ku dhigto goobaha istaraatijiga ah ee biyaha badan ayaa marar badan sababi jirey dagaallo joogto ah oo ay qolo walba ku doonayso gacan-ku-haynta goobahaas.

Soomaalida dhexdeedana, taariikh ahaan, biyuhu waxa ay ahaayeen isha dagaallada beelaha dhexdooda ka dhaca. Dagaallada ku bilaabmay isqabqabsi iyo khilaaf sal ku leh ceel biyood oo u dhexeeya labo beelood oo wada dega waa ay badan yihiin sida loogu tegayo suugaanta iyo taariikhda Soomaalida.

Khilaafyada casriga ah ee biyaha

Wakhtigan la joogo, maaddaaama oo ay tirada dadweynaha ee caalamku si xawli ah u kordhayso, biyaha iyo khayraadka kalena ay sii yaraanayaan, waxa jira khilaafyo iyo muranno aan yarayn oo u dhexeeya waddamo badan oo jaar ah ama wadaaga hal il oo biyeed. Khubarada aqoonta khayraadka iyo biyuhuna waxa ay ka digayaan halista ka iman karta biyaha lagu muransan yahay. Aqoonyahanka qaarkiis ayaa ku dooda in dagaalka saddexaad ee adduunka ay sabab u noqon doonto halganka iyo tartanka loogu jiro gacan-ku-haynta ilaha muhiimka ah ee biyaha.

Sababaha khilaafyada Biyaha

Sababaha ugu muhiimsan ee keena khilaaf iyo muran ku sal leh biyo waa ay badan yihiin, waxana lagu soo koobi karaa dhowrka soo socda.

  1. Xuduud lagu muransan yahay: muranno badan oo la xiriira biyaha ayaa waxa sabab u ah goobta ay isha biyuhu ku taallo oo lagu muransan yahay isla markaana labo dal ama ka badan ay sheeganayaan.
  2. Dadweynaha oo badanaya: mid kale oo ka mid ah sababaha dabada ka riixi kara inay dhacaan khilaafyo biyeed waa xaqiiqada ah in dadweynaha adduunku, gaar ahaan kan qaaradda Africa uu si heersare ah u kordhayo. Taasi ayaa keenaysa in khayraadkii koobnaa ee biyuhu kow ka ahaayeen la isku qabto, waddamadana damac ka galo gacan-ku-dhigista iyo raadinta ilo muhiim ah oo biyo laga heli karo.
  3. Abaaraha soo noqnoqda iyo heerkulka kordhaya: cimillada adduunka ee isbeddeshey awgeed, waxa muuqata in waddamo badan, gaar ahaan kuwa Africa, ay ka yaraanayaan roobabkii ay heli jireen taasina ay keento abaaro joogto ah iyo biyo la’aan. Sidoo kale, heerkulka adduunka ee isbeddeley ayaa saameeya biyaha ku jira webiyada iyo ceelasha maaddaama oo ay si degdeg ah u uumibaxayaan kulaylka badan awgeed. Tan ayaa xoojin karta murannada biyaha la xiriira.

Dawladda Itoobiya: Aabbaha murannada biyaha

Dawladda Itoobiya waxa ay beryahan danbe sabab u noqotay murannada ugu xooggan ee ka taagan gobolka ee salka ku haya biyaha. Maaddaama oo ay dawladda Itoobiya tahay isha webiyo badan oo dalal kale u gudba, waxa ay istustay inay ka faa’idaysato biyaha dhulkeeda ka burqada isla markaana ay hirgeliso mashaariic biyaxireenno oo ay uga gon leedahay inay ka dhaliso koronto ay u dhoofiso waddamada ku hareeraysan iyo guud ahaan qaaradda Africa. Sidoo kale, Itoobiya waxa ay damacsan tahay inay biyaxireennadan uga faa’idaysato korontada,  beerashada cudbiga, sonkorta IWM. Damacan Itoobiya galay ayaa sababay in ay dhashaan muranno la xiriira biyaha. Tan ayaa keeni karta in mustaqbalka Itoobiya loo arko cadaw duullaan ku ah biyaha ay helaan waddamada ku xeeran ee ay wadaagaan webiyada.

Khilaafyada biyaha ee mustaqbalka isku beddeli kara dagaal iyo gacan-ka-hadal ee ay Itoobiya sababteeda leedahay waxa kamid ah kuwa soo socda.

  • Khilaafka Biyaha Niilka

Khilaafka biyaha webiga Niilka ee Masar iyo Itoobiya waxa uu si toos ah u bilaabmay sannadkii 2011 ka dib markii waddanka Itoobiya uu bilaabay dhisidda biyaxireen weyn oo lagu magcaabo “Grand Ethiopia’s Renaissance Dam (GERD)” kaas oo  lagu maalgeliyey lacag gaaraysa $4.2 bilyan isla markaana awood u leh soo saaridda dab gaaraya 6,000MW.

Masar waxa ay isla markiiba ka digtey hirgelinta mashruucan iyada oo ku doodday in arrintaasi ay sababi doonto isdhimidda xaddiga biyaha ay ka hesho Niilka oo ay nolosheeda oo dhami ku tiirsan tahay. Marar badan ayay Masar ku hanjabtey inay dagaal ka xigto hirgelinta mashruuca ay Itoobiya waddo, tusaale ahaan, Madaxweynaha Masar waxa uu sheegay in arrinta biyaha Niilku ay uga dhigan tahay “dhimasho iyo nolol”, waxa uuna ku hanjabey inaan cidna taaban karin saamiga uu waddankiisu ka helo biyaha Niilka. Wakhti xaadirkan, Masar waxa ay 94% biyaha ka heshaa webiga Niilka.

Itoobiyana waxa ay dhankeeda ku doodday in mashruuca biyaxireenku uu sidoo kale uga dhigan yahay “dhimasho iyo nolol”, waxa ayna ku celcelisay inay xaq u leedahay ka faa’idaysiga biyaha Niilka iyo hirgelinta mashruucan ballaadhan ee muhiimka u ah horumarkeeda dhaqaale ee xawliga ku socda.

Sidoo kale, waxa khilaafkan qayb ka noqday waddanka Suudaan oo dhul ahaan u dhexeeya labada waddan—Masar iyo Itoobiya—ee sida ba’an iskugu haya mashruuca biyaxireenka. Suudaan, oo beryihii hore arrintan ku taageeri jirtey waddanka Masar, waxa ay hadda la safatay dalka Itoobiya. La safashadani waxa ay ku soo beegmatay xilli uu cirka isku shareeray muranka u dhexeeya Masar iyo Suudaan ee salka ku haya xuduudda lagu muransan yahay ee labada dal u dhexaysa. Suudaan waxa ay markan ku doodday in biyaxireenka dani ugu jirto maaddaama oo ay yaraan doonaan fatahaadaha uu webigu sameeyo marka Suudaan la joogo, taasi oo marar badan keenta in beeraha ku teedsan webiga ay baaba’aan. Waxa kale oo ay ku dooddey in biyaxireenku aannu dhibaato ku hayn saamiga ay ka hesho biyaha Niilka.

Bishii November ee sannadkii hore ayaa waxa guuldarraystay wadahadallo u dhexeeyey saddexda waddan oo ku saabsan sida ugu wanaagsan ee loo maarayn karo saamaynta biyaxireenka Itoobiya. Masuuliyiinta Itoobiya waa ay ka gaabsadeen sababaha keenay in wadahadalladu fashilmaan. Masar se waxa ay sheegtay in la isku waafiqi waayey diraasad ay samayn lahaayeen khubarro faransiis ah oo ku saabsan saamaynta uu biyaxireenku ku yeelan doono waddamada uu webigu maro.

Bishii December ee sannadkii hore ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar u duulay waddanka Itoobiya si uu ugala hadlo arrinta biyaxireenka. Wasiirku waxa uu Addis Ababa gaarsiiyey werwerka iyo walaaca ay ka qabaan biyaxireenka iyo saamayntiisa isaga oo ku andacooday in arrintani ay tahay mid xasaasi ah. Masar waxa ay Itoobiya u soo bandhigtay in World Bank laga qaybgeliyo wadahadallada isla markaana uu ciyaaro door dhexdhexaadin ah.

Shirkii ugu danbeeyey ee Midowga Africa ee dabayaaqadii bishii January ka dhacay Itoobiya ayaa waxa kulan saddexgeesood ah ku yeeshay saddexda waddan ee qaybta ka ah muranka ka dhashay biyaxireenka ay dhisanayso Itoobiya. Hoggaamiyayaasha Masar, Sudan iyo Itoobiya ayaa kulankoodan kaga wada hadlay khilaafka u dhexeeya, go’aamo waaweyn se kama soo bixin kulankan.

Si kastaba ha ahaatee, muranka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ee arrinta Webiga Niilka uma muuqdo mid si fudud xal looga gaari karo, waxana dadka qaar ka cabsi qabaan in arrintani keeni doonto dagaallo labada waddan ka dhex qarxa mustaqbalka, saamayna ku yeesha gobolka. Tirada dadweyne ee ku nool labada dal si xawli ah ayay u kordhaysaa, taasina waxa ay keeni doontaa in baahida loo qabo biyuhu ay korodho, isqabqabisiga biyaha salka ku hayana uu bato. Dagaal dhexmara labadan waddan ee waaweyn waxa uu saamayn toos ah ku yeelan doonaa gobolka oo dhan, maaddaama oo lala kala safan karo labada waddan ee ku muransan webiga Niilka.

  • Khilaafka biyaha ee Kenya iyo Itoobiya

Sannadkii 2008 ayaa ay dawladda Itoobiya iclaamisay in ay biyaxireen ay ugu magac dartay “Gilgel Gibe III Dam” ka dhisayso webiga Omo ee dalka Itoobiya. Biyaha ka yimaadda webiga Omo ayaa waxa ay ku soo dhacaan harada Turkana ee dalka Kenya, taas oo 90% biyaha ka hesha webiga Omo. Itoobiya waxa ay sheegtay inay biyaxireenka uga dan leedahay koronto-dhalin iyo beerasho. Dhul gaaraya 100,000 oo hectare ayaa ay Itoobiya u diyaarisay inay ku beerto sonkor, waxa ayna sidoo kale dhistay wershadihii lagu wershadayn lahaa qasabka.

Sannadkii 2015 ayaa ay Itoobiya bilawday buuxinta kaydka biyaxireenka. Taas ayaa dabadeed sababtay in ay istaagaan fatahaadihii ay samayn jirtey harada Turkana ee Kenya, waxana si weyn isku dhimay biyihii gaari jirey harada.

Hay’adda Human Rights Watch iyo weliba hay’ado kale oo u dooda xuquuqda banii’aadamka iyo tan deegaanka ayaa si joogto ah u cambaareeyey dhismaha biyaxireenka maaddaama oo uu saamayn weyn ku yeelan doono deegaanka iyo weliba dadka ku tiirsan biyaha webiga Omo iyo harada Turkana.

Dhinaca kale, dawladda Kenya si xooggan ugama aysan hadal biyaxireenka Ethiopa marka laga yimaaddo inay cambaaraysay oo keliya. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya oo lagu magcaabo John Nunyes ayaa ku dooday in Itoobiya ay 15KM u soo gashay gudaha Kenya. “Dadkeennii reer Turkana ayay [Ethiopian-ku] ka joojiyeen kalluumaysigii, waxa ay dibedda nooga soo tuureen dhul-daaqsimaadkayagii, biyo nagu filanna ma heli karno.”

Walow aanay labada dawladood ee Itoobiya iyo Kenya arrintan si aad ah iskugu maandhaafin wakhti xaadirkan, waxa la saadaalinayaa in biyaxireenkani mustaqbalka sababi karo muran iyo khilaaf ka dhex qarxa labada dawladood. Hadda se, waxa laga cabsi qabaa in dagaal ka dhex qarxo qabaa’ilka dega xuduudda labada dal ee ku tiirsan biyaha webiga Omo iyo kuwa harada Turkana. Tusaale ahaan, sannadki 2011 maleeshiya tiradeeda lagu qiyaasay 900 oo hubaysan iyo weliba dad shacab ah oo ka soo jeeda Itoobiya isla markaana ku sugan dhulka Kenya ee ku teedsan harada Turkana ayaa bilaabay inay weeraraan muwaadiniinta reer Kenya ee deegaanadaas ku dhaqan. Dawladda Kenyana waxa ay sheegtay in soogalootigan sharci darrada ku jooga Kenya ay qabsadeen 10 tuulo, waxa ayna ballanqaadday inay Itoobiya dib ugu celinayso.

Gurista Webiga Shabeelle

Waxa dhowaan gebi ahaanba guray webiga Shabeelle ee Soomaaliya kaas oo ka soo bilaabma dhulka Itoobiya. Waa markii saddexaad ee ay sidani dhacdo, sababaha keenay in webigu guro waxa kow ka ah abaarta soo noqnoqatay ee waayihii ugu danbeysey Soomaaliya iyo qaybo kamid ah geeska ka jirtey. Waxa sidoo kale guritaankan sababay, sida ay qabaan dadka labada Shabeelle dega biyaxireenno ay dawladda Itoobiya ka samaysay gudaha dhulka ay xukunto.

Ilaa hadda, waxa la sheegayaa in dawladda Itoobiya ay labo mashruuc oo biyaxireen ka samaysay gudaha Itoobiya, kaas oo saamayn ku yeeshay biyaha yaraaday ee webiga.

Mashruuca kowaad waxa 1980-neeyadii fuliyey dawladdii Mengistu Haile Mariam, mashruucan waxa loogu yeeray Meka Wakena, waxana laga fuliyey dhulka uu Webiga Shabeelle ka soo bilaabmo ee gudaha Oromiya. Mashruucan waxa loogu talagalay in koronto laga dhaliyo.

Kan labaadna, waxa qorshihiisa bilaabay Raysalwasaarihii geeriyoodey ee Itoobiya, Melez Zenawi waxana laga fuliyey gudaha dhulka ay xukunto Itoobiya balse ay Soomaalidu degto. Biyaxireenkan danbe, waxa loogu talagalay in ay ka faa’idaystaan dadka ku dhaqan Godey, waxana ujeeddadiisu tahay sidii dadku ay wax uga beeran lahaayeen biyaha webiga.

Biyaxireennadan laga sameeyey gudaha Itoobiya ayaa la aaminsan yahay inay yareeyeen biyihii u soo gudbi jirey Webiga Shabeelle, kaas oo ay Soomaali tiro badan ku tiirsan tahay, guritaankiisuna uu sababayo barakac badan iyo dhaqaale burbur.

Waxa sidoo kale la filan karaa in Itoobiya ay mashaariic kale oo biyaxireenno ka samayso gudaha dhulkeeda, taas oo saamayn aan laga soo kaban ku yeelan karta biyaha Webiga Shabeelle iyo guud ahaan nolosha dadka ku tiirsan biyaha webiga.

Iyada oo uu tuhunkaasi jiro, haddana waxa wax lala yaabo ah in dawlad hadda jirta ee uu Madaxweyne Farmaajo hoggaaminayo aanay ilaa hadda sinnaba uga hadlin guritaanka webiga, iyo biyaxireennada ay Itoobiya ka samaysay dhulkeeda. Waxa kale oo la yaab leh inaanay wax guddi ah amase cilmibaarayaal arrintan wax ka ogaada magcaabin. Halka dawladaha kale, sida Masar iyo Suudaan ay mar kasta ku hawlan yihiin sidii ay danaha biyaha ee dalkooda u ilaashan lahaayeen iyaga oo dagaal iyo dhimasho ka xiga in biyaha ay helaan laga leexsado.

Aamusnaanta dawladda Federaalka Soomaaliya ee arrinta Webiga Shabeelle waxa ay muujinaysaa sida aanay dawladdu u danaynayn ilaalinta danaha muwaadiniinteeda, Itoobiyana waxa ay ku dhiirrigelinaysaa in ay sii waddo mashaariicda biyaxireennada ee halista gelin kara nolosha malaayiin qof oo Soomaali ah oo noloshoodu gebi ahaanba ku tiirsan tahay biyaha ay Webiga Shabeelle ka helaan.

Gebogebo

Waxa muuqata in dawladda Itoobiya uu mustaqbalka dhaw noqon doono madaxa murannada isu beddeli kara dagaallada ee gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Falanqeeyayaasha qaar ayaa sheegaya in dawladda Itoobiya ay halis ku tahay danaha biyo ee waddamada ku hareeraysan maaddaama oo ay badi webiyada gobolku ka soo bilawdaan dhulka Itoobiya.

Dagaal biyo ku salaysan oo mustaqbalka ka dhaca gobolku waa lamahuraan haddii aanay wax iska beddelin qaabka ay Itoobiya wax u waddo. Dagaal noocaas ah haddii uu bilaabmana, waxa la saadaalinayaa in waddamada Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya ee ay biyahooda Itoobiya caqabadda ku tahay ay isgaashaanbuuraystaan, una midooban sidii ay danahooda biyo uga difaacan lahaayeen damaca Itoobiya.

Ugu danbayntii, si looga baaqsado dagaal mustaqbalka ka dhaca gobolka, waxa dawladda Itoobiya la gudboon inay xakamayso damaceeda xarkaha goostay ee ay ku doonayso inay ku samayso biyaxireenno halis ku noqon kara nolosha dad badan oo ku dhaqan waddamada jaarkeeda ah. Waxa kale oo waddamada gobolka la gudboon inay wadahadal iyo iskaashi ku dhammeeyaan muran kasta oo la xiriira biyo oo soo ifbaxa si looga baaqsado dagaallo hor leh oo dhinacyo badan kuwaas oo ay ku daataan dhiig badan, burburna soo gaarsiiya guud ahaan gobolka.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW