U bood dhigaalka

Itoobiya: Abiy Ahmed Oo Codad Aqlabiyad Leh Ku Guuleystay

Sheeko:Amniga

Ra’iisul wasaaraaha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo xisbigiisa ayaa si aqlabiyad leh ugu guuleystay kuraasta baarlamaanka doorashadii Itoobiya ka dhacday sanadkaan.

Abiy, oo ka hadlay guusha xisbigiisa uu ka soo hoyay doorashooyinka baarlamaanka Itoobiya ayaa waxa uu ku yiri “Xisbigeenu  wuu ku faraxsan yahay in lagu doortay rabitaanka shacabka si loo maamulo dalka,” .

Natiijaa doorashada ayaa durba waxaa hareyay qeyla dhaanta mucaaradka xilli doorashadaan ay la daala dhaceysay caqabado ay ka mid yihiin Banaanbaxyo, Isku dhacyo isirka ku saleysan, Musuq maasur iyo dagaalka Tigrayga.

Doorashada baarlamaanka Itoobiya ayaana ka dhicin seddax ka mid ah 10 gobal ee dalka Itoobiya .

Xisbiga Abiy ee ayaa ku guuleystay 410 kursi oo ka mid ah 436  kursi ee baarlamaanka dalka Itoobiya sanadkaan looga tartamay.

Goobjoog News