U bood dhigaalka

Itoobiya: “Ciidanka Junta Si Adag Ayaa Loo Ciqaabay.”

Sheeko:Amniga

Dowladda Itoobiya ayaa guullo militeri ka sheegatay jabhadda TPLF oo muddooyinkii la soo dhaafay ay kula jirtay dagaallo xooggan.

Ciidamada difaaca Itoobiya ee ku sugan gobalka Amxarada ayaa sheegay in ay iska caabiyeen guluf ka tirsan ciidamada TPLF oo gobalka qeyba ka mid ah dagaal ku soo qaaday .

Deeganada Maytebri, Telemet oo ka wada tirsan gobalka Amxarada ayaa la sheegay in ay weerar ku soo qaaden ciidamada Junta.

Taliyaha Qeybta 31 -aad ee Ciidanka Difaaca, Korneyl Jemal Kedir, ayaa sheegay in ay ciqaab adag marsiiyeen ciidamadi soo weeraray isagoo yiri  “ciidanka Junta si adag ayaa loo ciqaabay.”

Toddobaadkii hore ayaa la sheegay in kooxda TPLF lagaga adkaaday gobolka Canfarta ee Itoobiya waxaana la sheegay in ay meydadka dagaalka kasoo daabuli jireen gobolka Tigreega.

TPLF ayaa sidoo kale dhankeeda sheegtay in ay sii wadi doonto dagaalka ay waddo ee ka dhanka ah dowladda Itoobiya.

Goobjoog News