Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa heshiisyo la galay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Heshiisyada labada dhinac kala saxiixdeen waxaa ka mid ah waddo tareen oo isku xeri-doonta Adis ilaa Nairobi iyo waddo kale oo isku xiri-doonta Laamu ilaa Adis Ababa.
Arrimaha kale ee Abiy iyo Kenyatta ka heshiisyeen waxaa ka mid ah: Dhul Dekad ah oo Itoobiya laga siiyo Lamu si ay u dhistaan iyada oo duuliimaad gaar ah oo diyaaradda itoobiya Air ah loogu sameeyay Mombasa.
Arrimaha biyaha mar la soo qaaday waxaa ay ka wada hadleen sidii loo qeybsan lahaa biyaha webiga Omo, Lake Turkana iyo webiga Daua.
Dhanka kale, labada mas’uul waxaa ay ka wada hadleen arrimaha Soomaaliya, iyaga oo walaac ka muujiyay khatarta Al-shabaab iyo taageerada liidata ee beesha caalamka , waxaa ay ballan-qaadeen inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.
Abiy Axmed Cali iyo Uhuru Kenyatta waxaa ay walaac ka muujiyeen faragelinta lagu haayo Soomaaliya inay wax u dhimmi karto xasiloonida.
Goobjoog News