U bood dhigaalka

Itoobiya Iyo Turkiga Oo Kala Saxiixday Heshiisyo Dhan Illaa 10 Bilyan Oo Dollar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha  dalka Itoobiya ayaa soo dhaweeyay wafdi ka socda dalka Turkiga oo iskugu jira mas’uuliyiin iyo ganacsato, wafdigaan ayaa waxaa ka soo wax dhaweeyay safiirka turkiga u fadhiya magaalada Adis-ababa ee caasimadda waddanka Itoobiya Faatix.

Madaxweynaha Itoobiya ayaa waxa uu kala hadlay wafdigaan sida ay u maal-gashan la haayeen Turkiga Itoobiya, asagoo soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka banaan waddankiisa iyo in la hormariyo xiriirka ka dhaxeeya labada waddan, waxa uu hoosta ka xariiqay in Turkiga uu yahay sxiib muhiim u ah Itoobiya dhanka horumarka.

Madaxweyne Mulatu Teshome ayaa tilmaamay inuu ku dadaalaayo inuu ku dhiiro galiyo ganacsatada Turkiga inay maalgashi ay ku samaystaan Itoobiya gaar ahaan dhinacyada Tamarta, waxa uu xusay in Adis-abab ay ganacsatada ay ku taagi doonto sidii ay ugu fududeyn lahayd maalgashigooda.

labada dhinac ayaa wada saxiixday hashiisyo ganacsi oo gaaraya 10 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, xiriirka ganacsi oo hadda ka dhaxeeyo Itoobiya iyo Turkiga ayaa waxa uu gaarayaa 2.5 bilyan oo doolar.

Xiriirka Turkiga iyo Itoobiya waxaa uu soo jiray illaa 1896, iyaga oo wafti iyo safarro is dhaafsan jiray xiliggii  Sultan Abdülhamid II iyo boqor Menelik

Goobjoog News