U bood dhigaalka

Itoobiya: Kumanaan Ayaan Ka Dilnay Jabhadda, Ciidamada Ayaana Iska Caabiyay Weeraro U Qorsheysnaa

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa sheegay in ay iska caabiyeen dagaalada kooxda TPLF, taas oo ay shegen in ay jihooyin badan ka soo weerareeen gobalka Amxaarada.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ay kooxda ay dooneysay in ay isku sii fidiyaan gobalka, balse ciidamadooda ay iska caabiyeen qorshaha TPLF.

Madaxa Waaxda Dhismaha Ciidanka ENDF Let.-Gen Bacha Debele, ayaa sheegay in Tigrayga ay abaabuleen in ka badan 10,000 dhalinyaro la askareyay kuwaas oo dulaan ku soo qaaday gobalka Amxaarada.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in abaabulka Tigrayga ay ciidamadooda u kala qeybiyeen seddax qeyb oo ay qeyba dhinac u qorsheysay in gobalka ay kala wareegto.

Dhanka kale ciidamada Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in intii ay socdeen dagaalada Tigrayga iyo Xukuumadda Abiy ay dileen kumanaan askar ah oo ka tirsan kooxda TPLF.

Generaal u hadlay ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in inkabadan  in 2,300 oo ka tirsan Jabhadda dagaalada bilawday bishii Novermber ay ku dhaawaceen halka TPLF ay ka qabsadeen 2,000 Dagaal yahan.

Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in ay dagaalada ku dileen kumanaan aan tiradooda la soo koobi karin oo ka tirsanaa Jabhadda.

Goobjoog News