Itoobiya: ONLF Oo Laga Saarayo Liiska Argigixisada Iyo Cafis Guud Oo La Fidinayo

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in maanta ay golaha wasiirrda ee Itoobiya gudbiyeen qaraar ururka ONLF looga saarayo liiska kooxaha argigxisada ah iyo in cafis loo fidiyo kooxo iyo shakhsiyaad horay loogu tuhmay khiyaanno qaran.

Fitsuma Arega oo ah agaasimaha xafiiska ra’isul wasaaraha ayaa bartiisa ku qoray in golaha wasiirrada Itoobiya ay u gudbiyeen baarlamaanka dalkaasi qaraar ONLF iyo kooxo kale looga saarayo liiska argigixisada.

Uruurada la qaadayo xayiraadda waxaa ka mid ah  OLF, ONLF & Ginbot 7, waxaana la sheegayaa in arrintan ay dhiirigelin-doonto xuriyadda dadka iyo inay si nabad ah loo gaari karo hadaf siyaasadeed.

Waxyaabaha baarlamaanka loo diray waxaa kale oo ka mid ah: in la cafiyo shakhsiyaad iyo hey’ado horay loo dhahay waa “Khaa’imiin” kuwaas oo lagu helay ama baaritaan ku socdaan ama xataa dambiyo kale oo dowladda ka dhan ah sida kooxaha hubeysan.

September 6, 2017: Dowladda Soomaaliya oo Itoobiya u dhiibtay Cabdikarim Qalbi-dhagax ayaa maalintaas sheegtay inuu ka tirsanaa koox argigixiso ah.

Ku darista Xukuumadda Soomaaliya ay ku dartay ONLF ku dartay liiska kooxahaasi, waxaa ay dhalisay muran badan, lamana oga waxaa ay sameyn-doonta kadib go’aanka xukuumadda Itoobiya ee ururkaasi uga saartay liiska kooxaha argigixisada.

Goobjoog News

Related Articles

One Comment

  1. 【生活】約會約不停 ♥♥愛的黏巴達月份 @ B2B崔咪TRAMY :: 痞客邦 :: 欸你們二位不准和我約會還不把我放在眼裡啦!!給我分開 XDDDD這個月我整理了一下照片,才發現是好幸福的黏巴達月份!這天是和哈北鼻相約在朵兒咖啡館,這家店我之前和H看'&#39

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW