Itoobiya oo Biyo Xireeenno Ka Sameysay Webi Shabeelle iyo Soomaaliya Oo Baareysa Sababta Biyo La’aanta Webiga

Wasiirka arrimaha dibadda Soomalaiya Cabdusalam Hadliye Cumar oo si gaar ugu warramay Goobjoog News ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka walwalsan tahay biyo la’aanta webi Shabeelle iyo saameynta ka dhalatay arrinkaas isagoo ballanqaaday in xukuumadda uu wasiirka arrimaha dibadda ka yahay ay baareyso in biyo la’aanta Webi Shabeelle ay ku timid roobab yari ama sabab kale.

Ballanqaadka Cabdusalam Hadliye ayaa yimid kadib markii ay Goobjoog News ay wax ka weydiisay wasiirka saameynta biyo xireennada Webi Shabeelle ee Itoobiya ay ku leedahay biyo la’aanta Webiga, innagoo arrintaas biyo xireennada sidoo kale wax ka weydiinay mas’uuliyiin Soomaaliya iyo Itoobiyaan ah.

Warbixinta kama hadleyso in Itoobiya xiratay Webi Shabeelle waayo sidaa ma sameyn karto laakiin waxaa aynu  xoogga ku saari doonaa in biyo xireennada ay Itoobiya ka sameysay Webi Shabeelle ay saameyn ku leeyihiin biyo la’aanta Webi Shabeelle.

Mas’uul Itoobiyaan ah oo horay  Xildhibaan uga ahaa  maamulkii Mengistu Haile Mariam ayaa Goobjoog News uga warramay biyo xireennada ay Itoobiya ka sameysay Webiga Shabeelle.

Mas’uulkan oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa sheegay in uu ka mid ahaa wafti Xildhibaano ah oo tagay 1980-kii(1971-dii Taariikhda Xabashida) dhulka Oromada oo ah dhulka uu ka soo baxo Webiga Shabeelle, xildhibaanka waxaa uu Goobjoog ka ahaa dhismaha mashruuca Meka Wakena oo ahaa mashruuc ay dowladdii loo yaqaanay darbiga ee Mengistu Haile Mariam u sameysay in ay koronto uga dhaliso biyaha Webi Shabeelle, korontadaas oo awoodeeda xitaa la sheegay in laga isticmaalayo waddamada dariska ah sida Soomaaliya.

Mas’uulka Goobjoog News la hadlay waxaa uu sidoo kale sheegay in markaasi loo sheegay in webiga lix bil uu xirnaanayo si biyaha loo keydiyo kadibna la sii deyn doono, mashruucaas kama wada hadlin dowladahii xiligaas ka jiray labada dhinac ee Mengistu Haile Mariam  iyo Maxamed Siyaad Barre, biyo xireenkan waxaa fuliyeen shirkado laga lahaa dalka Ruushka oo cadawtinnimo ay ka dhaxeysay Soomaaliya.

Xildhibaankan Itoobiyaanka ah waxaa sidoo kale ka hadlay mashruuc kale uu fuliyay Melez Zenawi kaas oo loogu talagay in ay ka faa’iideystaan dadka ku nool meel degmada Godey u jirta ilaa 35 KM ama dadka ugu yeeraan Mashruuca biyo xireenka ama waraabka Galbeedka Godey.

Mashruucan waa kii ugu horeeyay ee loo sameeyo Soomaalida ku nool dalka Itoobiya, waxaa mashruucan ujeedadiisu tahay in beeraleyda Soomaalida ka faa’iideystaan, waxaa ku han weynaa ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Melez Zenawi isaga ayaa lacag badan ku bixiyay laakiin waxaa la dhameystiray xukuumadda hadda jirta.

Webiga Shabeelle waxaa uu maraa deegaano badan oo Soomaali galbeed ah sida  Raafo,  Godey, Qalaafo, Mustaxuiil, Feerfeer iyo meelo kale, Kanaalo la jeexay iyo dhul beereed cusub oo laga sameeyay Godey  ayaa keenay in qeyb ka mid ah webiga shabeello la leexiyo, waa biyo xireenkii labaad ee webi Shabeelle ee laga sameeyo gudaha Itoobiya, mashruucan dambe waxaa uu socday 5-tii sano ee la soo dhaafay, waxaa la yaab leh in aysan ka hadlin xukuumadihii Soomaaliya ee xilliyadaas sida Cabdulahi Yusuf, Sheekh Sharif iyo Xasan Sheekh Maxamud.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa ka hadlay biyo yareynta wabiga Shabelle, isaga oo sheegay in dhibaato badan ay la kulmeen shacabka ku dhaqan gobolkaasi.

Dabageed oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in ay maqleen oo kaliya warar aan la hubin oo ah in Itoobiya ay sameysay biyo xireenno, balse waxa uu tilmaamay hadii ay taasi jirto in looga baahan yahay dowladda Federaalka inay arrinkaasi wax ka qabato.

Xildhibaan Axmed Aabi Aadan ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo saameynta biyo xireennada Itoobiya ku leeyihiin biyo la’aanta webi Shabeelle, isagoo sheegay in baarlamaanka federaalka uu sameyn doono baaritaan la mid ah midkii ay ku sameeyeen darbigii la sheegay in Kenya ay ka dhiseyso gudaha Soomaaliya kadibna ay hadli doonaan.

Abuukaate Ciise oo ka tirsan xeer yaqaanada dalka waxaa sheegay in dal kasta uu u madaxbanaan yahay fulinta mashaariic uu ku hormarinayo umaddiisa lakin sida uu qabo xeerka caalamiga ah waa in tilaabadaas aanay wax dhib u keeneyn dowlad ama ummad kale.

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Musiibooyinka Cabdulahi Maxamed Jimcaale waxaa uu Goobjoog News u sheegay in abaartan oo kale ay horay dalka uga dhacday 74/75 iyadoo la yaqaano’Abaartii Dabo-Dheer”, isagoo aad u walwalsan saameynta biyo la’aanta ayaa waxaa intaa ku daray in dalkan sidoo kale dadka u dhintaan biyo la’aan iyo biyo badni.

Goobjoog News waxaa ay sidoo kale la hadashay Wasiiro ka tirsan federaalka Soomaaliya, guddoomiyaal gobol iyo hey’ado ku shaqo leh arrimaha biyaha ee dalka, qaarkood waxaa ay ka gaabsadeen in ay nala hadlaan halka qaar kale ay waqti kale qabsadeen.

Gunaanad:

Warbixintan ama baaritaanka aynu  sameynay ee la xiriira saameynta biyo xireennada Itoobiya waxaa ka soo baxday 3 arrin oo muhiim ah:

In ay jirto 2 biyo xireen oo dowladda Itoobiya ay ku sameysay Webi Shabeelle oo kala mashruuca Melka Wakena iyo mashruuca waraabka galbeedka Godey.

In Dowladdii Soomaaliya ay markii ugu horeysay ballanqaaday baaritaan la xiriira biyo yaraanta dalka, iyadoo raadin doonta in biyo la’aanta ku timid roobab yari ama sabab kale.

In loo baahan yahay in Soomaaliya kala hadasho Itoobiya arrinta biyaha sida ay sameeyeen dalalka Suudaan, Masar iyo Kenya haddii kale waxaa hubaal ah in dagaal xiga ee Soomaaliya iyo Xabashida uu noqon doono mid ku saabsan biyaha.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW