U bood dhigaalka

Itoobiya Oo Dhexdhexaadineysa Eritrea Iyo Djibouti

Sheeko:Caalamka

Itoobiya ayaa u istaageysa horumarinta kaalinta weyn ee howlaha wadahadalka socda kaasi oo lagu soo celinayo xiriirka labada dowladood ee Eritrea iyo Djibouti oo deriskeeda ah sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo rasmi ah maanta.

Sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya Adis Ababa waxaa ay dhex dhexaadineysaa wadahadalkan iyada oo uu la socdo niyad wanaag iyo in laga shaqeeyo horumarka iyo dhameystirka geeska Afrika.

Heshiiskan ayaa xoojinayo is bedalka amni iyo midka iskaasho ee ku yimid geeska Afrika, gaar ahaan markii Itoobiya iyo Eritrea ay dhowaan hehsiis gaareen, iyo soo celinta xiriiraadkii Asmara iyo Mugadishu.

dhanka kale Safiirka Itoobiya u fadhiya qaramada Midoobay ayaa sheegay in dalkiisa uu ku dadaalayo sidii geeska Afrika uu u noqon lahaa meel ka maran khilaafaad iyo in aan la arag dowlad ka caagan horumarka iyo is bedelka ku yimid gobolka.

Wakiilka Djibouti u fadhiya Qaramada Midoobay Sacad Ducaale ayaa bishii July Fariin u diray golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isaga oo ugu baaqay in la soo faro geliyo sidii loo dhameyn lahaa khilaafka u dhaxeeya dalkiisa iyo deriskiisa Djibouti.

Goobjoog News