U bood dhigaalka

Itoobiya Oo Gullo Ka Sheegatay Dagaal Ka Dhacay G. Amhara iyo TPLF Oo Markale Wacad Ku Martay In Ay Dalka La Wareegeyso

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda Itoobiya iyo xulafadooda ayaa weerar dhanka cirka ah ku qaaday fariisimo ciidamada xoogagga Tigrayga ay ku leeyihiin aagagga Amxarada.

Afhayeen u hadlay Jabhadda TPLF ayaa in ay jiraan howl gallo ka dhan ah Jabhadda oo dhacay balse faahfaahin kama uusan bixin khasaaraha ka dhashay duqeynta xukuumadda Abiy ay guusha ka sheegatay.

Goobaha ay duqeynta ka dhacday ayaa durba laga soo wariyanaya qeyla dhaan dhanka bini’aadanimada ah oo ka dhalatay duqeynta taas oo la rumeysan yahay in dad shacab ah ay wax ku noqdeen.

Abiy ayaa todobaadki hore markii loo dhaariyay markale in uu ra’iisul wasaare ka noqdo Itoobiya ayaa sheegay in uu difaaci doono waxa uu ugu yeeray sharafta Itoobiya, xilli xukuumaddiisa ay la kulmeyso dhileeceyn caalami ah .

Af-hayeenka TPLF Getachew Reda, ayaa sheegay in duqeymo dhanka cirka ah ay ka dhaceen waqooyiga Amxaarada, Gondar iyo Wollo.

“Waxaan ku kalsoonnahay awooddeenna, waan  ka hortagi doonno weerarka dhinac walba Waxaan istaagi doonnaa dhulkayaga ilaa go’doominta laga qaado”, ayuu yiri Af-hayeenka TPLF Getachew Reda.

Ilaha wararka dagaalka laga helayo ayaa sheegay in askarta federaalka iyo kuwa gobolka Amxaarada ay weerar cir iyo dhul ah ku qaadeen aagga Waqooyiga Wollo iyo goobo kale maalmihii Khamiistii iyo Jimcihii.

In kasta oo ciidamada dawladdu ay si dhakhso ah ula wareegeen magaalooyinka iyo tuulooyinka Tigray, haddana kooxda TPLF ayaa dib u qabsatay inta badan gobolka oo ay ku jirto caasimadda Mekele dhammaadkii bishii June kadibna Mr. Abiy ayaa markii dambe ku dhawaaqay xabbad -joojin hal dhinac ah.

Goobjoog News