U bood dhigaalka

Itoobiya oo Kalsoonida Kala Noqotay Madaxa “WHO”” Tedros Adhanom

Sheeko:Amniga

Maamulka Abiy Axmed ayaa khamiistii cabasho rasmi ah u diray hey’adda caafimaadka adduunka ee “WHO” iyada oo agaasimaheeda guud ku eedeysay “Dhaqan xumo” kadib markii uu si joogta ah u dhaleeceyn jiray dagaalkii ka dhanka ahaa Tigeyga.

Itoobiya oo afar sano kahor gudbisay Tedros Adhanom inuu noqday madaxa WHO ayaa hadda ka hortimid inuu mar kale jagada sii hayo, waxaana warqadda oo si gaar ah loo gaarsiiyey guddiga fulinta ee WHO lagu sheegay inuu meel uga dhacay sharafta hey’adda WHO, isaga oo dhinac la saftay.

“Maka soo bixin sharafta iyo shaqao wanaagga laga doonayey xafiiska iyo xilkiisaba” ayaa lagu sheegay qoraalkan ay Adis Ababa dirtay.

Dalkan Itoobiya waxaa ay ka dalbaday xubnaha 34-ta ah iney baaraan dhaqankiisa, shaqo xumaha iyo xil gudasho la’aantiisa.

Guddiga filinta WHO waxaa uu kulmi doonaa 24-29-ka bishan, iyada marka ajendaha laga soo tago, sidoo kale la xuli doono musharaxiinta hey’adda hogaamin lahaa muddada soo socota.

Goobjoog News