U bood dhigaalka

Itoobiya Oo Looga Dhawaaqay Xaalad Deg Deg Ah

Sheeko:Amniga

Golaha wasiirada dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay dalka, xilli cabsi laga qabo in xoogagga Tigrayga ay dagaal ku soo qaadaan magaalada Caasimadda ah ee Adis Ababa.

Ciidamada TPLF oo  dhankooda u soo ruqaansaday Adis ababa ayaa Mareykanku ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan dagaal ka dhaca Adis ababa.

Xaaladdan Deg degga ah ee lagu soo rogay dalka ayaa lagu xakameynaya isku socodka dadka iyo gaadiidka ee gobalada Itoobiya iyo  in dadka dalkaas ku sugan ay safaro dibadda ah u baxaan.

Mareykanka ayaa howl wadeenadiisa safaaradda iyo muwaadiniintooda ku sugan Itoobiya ugu baaqay in ay yareeyaan dhaqdhaqaaqoda.

TPLF ayaa qorsheyneysa in ay maalmaha soo socda dagaal kula wareegto magaalada Adis abaaba.

Goobjoog News